Laba qodob ayaa asaas u ah marka laga hadlaayo xidhiidhka ka dhexeeya Masar iyo Itobiya. 1- Wabiga Nile. 2- Diinta Masiixga. Hadaan ku horeeyo Q2aad oo ahmiyadiisa aanay ka dhicin midka hore, labada shacab waxaa ka dhexeeya xidhiidh caqiido oo soo jireen ahaa. Sidaan la socono diinta ay haysato kaniisada Itobiya ee Orthodox-ka waxay uga timid dhanka Masar. Halkaa ayaana laga hagi jiray oo wadaadka xukuma Kaniisada Masar ee Alexandri aayaa midda Itobiyana ka talinayay ilaa uu ka madax baneeyay boqor Xayle Salasse 1950. Hasa ahaatee ilaa maanta marka la magacaabayo wadaadka ugu sareeya Kaniisadda Itobiya waa in laga soo ansixiyo Kaniisadda Masar goobjoogna ka ahaadaa xafladiisa. Halkaa waxaa inooga muuqanaysa xidhiidhka diineed ee Masiixiyiinta Masar iyo kuwa Itobiya.

Xadaaradda Masar ee qadiimka ah waxaa sabab u ah wabiga Nile. Nolosha dalka Masaaridana waxay ku xidhantahay wabiga Nile. Xadaarada Msaarida oo 5000 sano jirtay waxaa asaas u ahaa wabiga Nile. Kala badh 80ka Malyan ee shacabka Masaarida waxay dagan yihiin jiinka wabiga (Nile Delta), taasoo ka dhigaysa meelaha ugu cidhiidhisan caalamka oo dadka ku nool ay gaadhayaan 1000 qof/km2. Masaarida waxay yidhaahdaan hadii la waayo wabiga Nile, Masar waa la waayi. Sababtoo ah dhamaan magaalooyinka ugu waaweyn Masar waxay ku yaalaan hareeraha wabiga iyo dhamaadkiisa. Waxaa iyadna jira Xadiith (inkastoo uuna sugnayn) uu Rasuulka CS ku sheegayo in baaba’a Masar ay ka iman doonto Wabiga Nile oo gura.

Waxaa lagu tiriyaa Nile inuu yahay wabiga ugu dheer caalamka, wuxuuu jaraa 6700KM. Wabiga Nile wuxuu ka kala yimaadaa Itobiya (Blue Nile) iyo Haraha waaweyn (Great Lakes) ee Afrikada Beri, taasoo ka dhigaysa inuu ka dhexeeyo 11 dal oo kala Tanzaniya, Uganda, Rwanda, Burundi, DR Congo, Kenya, Itobiya, Sudan, S. Sudan, Masar iyo Ertrea. Dadlalkaa waxaan ka ahayn Masar iyo Sudan waxay noqonayaan dalalka uu ka soo burqado wabiga (Duwalu rawaafid – Tributary Countries). Wuxuuna dhigayaa xeerka caalamiga (International Law) inayna dawladna xidhan karin wabiga dhex mara haduu soo dhaafayo xadkeeda, waana inay dawladaha la wadaaga biyaha ay la socodsiiso kuna heshiiyaan.

Intaa waxaa dheer waxaa jira heshiisyo caalami ah oo dawladihii Afrika soo gumasytay ay kala saxiixdeen sida Talyaaniga oo xukumay wabi ka mid ah wabiyada siiya biyaha wabiga Nile iyo Ingriiska oo ka talinayay Masar. Heshiiska ugu muhiimsan waa midkii ay kala saxiixdeen Boqorkii Itobiya Minilk iyo Boqortooyada Ingriiska oo si cad u qeexaya Q3xaad in Itobiya ay ballan ku qaaday in aanay ogolaanin kana dhisin Biya-xidheen wabiga Blue Nile, Harada Tana ama Sobat kuwaasoo xanibi kara biyaha aada Wabiga Nile, ilaa ay kala heshiiso Boqortooyada Ingriiska iyo dawladda Sudan. Heshiiskaa ayaa waligiiba ahaa asaaska biya-qaybsiga wabiga Nile ee u dhexeeya Itobiya iyo labada dawladood ee Nile-ka uu ku dhamaado.

Maxaa keenay hadda inay Itobiya u ololesyo oo dawladaha Afrika ee Wabiga uu ka soo burqado ka dhaadhiciso sidii heshiiskaa wax looga badali lahaa ama gabi ahaantiiba loo tuuri lahaa? Waxaa jira tuhunno badan oo muujinaya inay jiraan gacmo shisheeye oo doonaya inay Masar kula dagaalamaan biyaNile, oo ah meesha ay ugu jilicsan tahay sidaan aragno. Hadaan tuhunkaa meel iska dhigno, Kaligii Taliyihii Itobiya ee dhintay ayaa lahaa asaaska fikraddan si aad ahna ugu ololeeyay. Laba ujeedo ayuuna ka lahaa. 1- inuu shacabkiisa dhankaa u jeediyo oo hadday Masar ka dhiidhido uu cadaw dibadeed u helo uu ku mideeyo. Ilaa heer ayayna midaa u hirgashay. 2- inuu ku kasbo sacaamadda dawladaha Afrika oy ku tartamayeen isaga iyo M/W Libiya ee la dilay Mucamar Al-Qadaafi, marka la arko isagoo kula doodaya dalal carbeed xuquuqda dawladaha Afrika ay ku leeyihiin Biyaha Wabiga Nile.

Ujeedadaa siyaasiga ah ayuu ka lahaa KT Meles Zanawi. Haba yaraatee ma ahayn mashruuc loogu talagalay dhaqaalaha oo daraasad dhankaa ku saabsan loo diyaariyay.

Xaaladda hadda xagay mareysaa? Itobiya waxay sheegtay inay bilowday weecinta Wabiga Blue Nile taasoo hordhac u ah dhismaha qaybta ugu dambaysa ee mashruuca Biya-xidheenka. Talaabadaa dawladaha Masar iyo Sudan waxay u arkeen in heshiiskii dawliga ahaa ay jabisay Itobiya. Gaar ahaan dalka Masar oo sidaan soo sheegnay uu wabiga Nile u yahay xudunta nolosha shacabkooda, waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqa xoogan oo arintaa lagu diidan yahay xukuumad iyo shacabba. Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay; Maxay ka qaban kartaa Masar arintaa? Mase awoodaan shacabka Masar inay dagaal u tafa-xaytaan? Jawaabta su’aasha 1aad waa qofna inuusan saadaalin karin meesha ay ku dambayn doonto xaaladda iyo talaabada ay qaadi doonto Masar, inkastoo Masar ay tahay dawladda 2aad ee Afrika ugu awoodda badan xagga ciidanka. Haddise ay go’aansato inay dagaal qaadaan waxaa qasab ah inay Sudan oo xidhiidh iskaashi ciidan uu ka dhexeeyo ay iyaguna dagaalka galaan oy colaad qaataan. Dagaalkaana wuxuu noqon doonaa cududiisa dagaal cirka ah oo Sudan la’aanteed aanay Masar dagaalka qaadi karin. Waxaa iyadana door ku leh go’aanka ay qaadanayso Masar mawqifka dawaladaha reer Galbeedka iyo Isra’iil. Aan dhowrno.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay