07/04/2013 Wafti uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ayaa ka dagay garoonka caalamiga ah ee schiphol airport  ee wadanka Holland. Gudomiyaha ayaa socdaalkan waxaa ku wehelinayay Xoghayaha Arrimaha Dibada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya Dr Cabdiraxmaan Mahdi. waftigan ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay jaaliyada Somalida Ogadeniya ee dalka Netherland iyaga oo halkaas calamo iyo ubaxyo badan ku sharaxan. Gudomiyaha ayaa halkaas hadal diiran kasoo jeediyay isaga oo la hadlay xubnihii jaaliyada ee garoonka kusoo dhaweeyay. Gudomiyaha ayaa sheegay  in maanta la joogo Xiligii ummadda reer ogadenia ay goosan lahaayeen Xoriyadii ay baadi doonayeen Boqolaalka sano.

Sidoo kale waxaa Wadanka UK kusugan Wafti kale oo kamid ah Gudiga fulinta Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya Waftigan oo uu hoggaaminayo Gudomiye ku xigeenka JWXO Dr Maxamed Ismaaciil. Gudomiye ku xigeenka ayaa maalinta bari ah (08/06/2013) la kumi doona Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka UK shir ka dhici doona Guriga kulamada ee Xafiiska Jaaliyada Ogadeniya ee London.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya iyo Hoggaanka Arrimaha Dibada JWXO ayaa iyana kaqeyb gali doona bari 08/06/2013 shirweynaha  Jaaliyada Ogadeniya ee  Wadanka Netherlands.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay