Wararka ka imanaya dalka Ogadenya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO waxay sheegayaan in dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidamada gumaysiga ee halkaa ku sugan khasaare balaadhan lagu gaadhsiiyay. Dagaaladan oo dhacay 2dii todobaad ee ugu danbeeyay waxay u kala dhaceen sidan;

25/05/13 Carsho oo Sheeygoosh katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga itoobiya waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

18/05/13 Bangila oo Xamaro katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

27/05/13 Laab oo goday katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

18/05/13 Ceeblacad oo Sagag katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/05/13 Ceeblacad oo Sagag katirsan weerar qorshaysan oo ay CWXO kuqaadeen kuwa gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxaa cadawga lagaga dilay 4 askari 7 kalana waa lagadhaawacay.

01/06/13 Xayxay oo Qabridahare katirsan waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

04/06/13 CWXO ayaa kawar helay in kali oo Dhanaan katirsan ay ciidamada cadawgu shirkulahaayeen iyadoo ay isugu yimaadeen 4 ciidan oo kuwa cadawga ah oo doonayay in ay meeshaas kugaadhaan go’aamo shacabka s.ogadenia kadhan ah waxaana lagu qaaday weerar balaadhan halkaas oo lagu fashiliyay ciidamadii cadawga oo mid kasta meeshuu kayimid u noqday khasaara badana loogu gaystay.

26/05/13 Cadaaddheer oo Lehelow katirsan dagaal kadhacay wacaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 2 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

05/06/13 Lehelow oo Doollo katirsan dagaal mir ah oo lagu qaaday ciidamada cadawga waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

01/06/13 Lafbuur oo Nusdariiq ka tirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 6 askari 5 kalana waa lagadhaawacay.

03/06/13 Caraciise oo Nusdariiq katirsa dagaal kadhacay waxaa ciidamada itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

03/06/13 Mareexaan oo Dudumacadka katirsan waxaa ciidamada cadawga loogu gaystay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

03/06/13 Marsin oo Galaalshe katirsan dagaal kudhaxmaray CWXO iyo guwa gumaysiga waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/06/13 Sanxaskule oo Galaalshe waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

03/06/13 Gol-abeer oo Dudumocadka katirsan waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

03/06/13 Dalcad-guud oo deegaanka Iskudhoonlay ee gobolka Qoraxay katirsan waxaa ciidanka maxaysatada Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

29/05/13 Duudcad oo Sagag katirsan dagaal adag oo 40 daqiiqo socday waxaa ciidamada wayaanaha loogu gaystay khasaare aan faahfaahin tiisa lahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay