Jeelka Qoomanadaha ee Magaalada Jigjiga ayaa waxaa la keenay laba nin oo ganacsato ah oo u dhashay Dhulka Somalida Ogadeniya. Labada ganacsato ayaa lagasoo qabtay  Waqooyi Galbeed Soomaliya gaar ahaan magaalada Wajaale taariikhdu markay aheyd 07/06/2013.

Ismaamulka Somaliland ayaa wali wada ka ganacsiga dhiiga shacabka Somalida Ogadeniya iyaga oo dadka ganacsatada ah ama qaraabo salaanka ku taga gobolada Waqooyi galbeed intay katiinado kusoo xidhaan u iib geeya gumeysiga Ethiopia.

Wakaalada ONA ayaa loo xaqiijiyay magacyada labada wiil oo eega ku sugan xabsiga Qoomandaha ee magaalada Jig Jiga. Magacyada labadan ganacsato ayaa lanoogu sheegay

Maxamed Rashiid Hirmooge iyo

Maxamed Cabdi.

Dad kamid ah shaqalaha polis kusheega gumeysiga Ethiopia oo magacyadooda aanan halkan ku sheegi karin ayaa ONA u xaqiijiyay in labadan nin ay yihiin dad u dhashay dhulka Ogadeniya islamarkaasna laga dhacay lacag dhan 5000 Birr lacagta Ethiopia, lacagtaas ayay sheegeen inay ka dhaceen poliska maamul goboleedka  somaliland. Waxaa kale oo laga dhacay agaabtoodi shaqsiyaad sida Mobiladoodi iyo waxii lamid ah.

Dhacdadi tan ka horeysay ee u danbeysay waxaa maamul goboleedka Somaliland u ka qabteen nin kale oo u dhashay Ogadeniya magaalada Barbara iyaga oo u dhiibay ninkaasna gumeysiga Ethiopia.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay