wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Gobolka wardheer ayaa shegaya in laba nin oo shacab ah ciidamada  nacabka gumeysiga Itoobiya kudileen magaalada Caado oo aan ka dheerayn magaalada Wardheer ee gobolka Doollo

labadan nin ayaa lagu magacaabi jiray Allaha Unaxariistee

1- MAXAMUUD SOOFE MAXAMED CIGE

2- GABOOBE CALI XASAN YUUSUF

waxaa falkan foosha xun lagaystay taariikhdu markay ahayd 09/06/2013

labadan marxuum ayaa ahaa dadka xoola dhaqatada ah. waxayna tuulada caado keeneen geel ay doonayeen in ay gataan iibiyaan.

Sida ay noosheegeen dad ehelada labada marxuum ahi Allaah ha u naxaristee ” Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa saylada xoolaha yimid waxayna u handadeen labada marxuum kadibna halkaas ayay ku toogteen”. nimankan ayaa ahaa dad shacab ah oo layaqaano kanafog arimo siyaasdeed

Xasuuqi caado 2007

magaalada caado ayaa ah magaalo lagu daadiyay dhiig badan oo muwaadiniinta u dhalatay wadanka ogaadeniya ah. Sanadkii 2007 dii, ayay ahayd markii xasuuqa ba’an uu ka dhacay dhulka Ogadeniya. magaaladaas Caado waxay kamid tahay goobihii uu cadawgu dabka qabadsiiyay xiligaas xasuuqa darana uu ka geystay.

Dhacdadan lagu toogtay labada marxuum waxay si gooni ah inoo xasuusinaysaa  Allaha unaxaristee DEEQ SOOFE MAXAMED CIGE  oo ay walaalo ahaayeen marxuumka hadda ladilay maxamuud Soofe Cige.

Xiligaas dadkii lala dilay deeq waxa kamid ahaa Dr Cawke Cabdiqaadir Bare  iyo Ganacsade caan ahaa oo lagu magacabi jiray Cabdibaari Xuseen Maxamuud  oo aan lahaynin raq iyi ruux toona illaa hadda iyaga iyo dad kale oo aad u badan.

Dilka Dr Cawke Cabdiqaadir Bare wuxuu aabihii ku reebay xanuun wax u dhimay kadib markii raq iyo ruux lawaayay.  mudo 6 sano ah kadib ayaa  Cabdiqaadir Barre aabaha marxuumkan isna lagu toogtay gurigiisa.

Xasuuqa isir tirida ah ee lala beegsanayo shacabka Somalida Ogadeniya ayaa ah mid joogto ah.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay