Shalay oo ay taariikhdu kubeegnayd 11/05/13 waxaa xerada dhagaxlay ee deegaanka dhadhaab kadhacday ciyaarta kubada cagta oo dhexmartay OYSU ifo iyo koox kadhisan xerada dhagaxlay.

Ciyaartan ayaa bilaabatay abaarihi 4:30 galabnimo xiliga africada bari waxayna kabilaabatay garoonka ugu wayn xerada dhagaxlay.

Ciyaartan oo ahayd mid aad ukulul ayay guushu kuraacday OYSU ifo oo marti ku ahayd garoonka dhagaxlay  waxayna kubadisay 1 gool halka kooxdii kale aysan dhalinin wax gool ah.

Ma’aha markii ugu horaysay ee ay ciyaar kubada cagta ah kubadiyaan kooxaha OYSU ee dhadhaab kadhisan sida aan lawada socono waxaa xeryaha dhadhaab kajira kooxo kuciyaara magaca OYSU kuwaas oo caan ka ah xeryaha waxayna soo hooyeen guulo badan oo dhanka ciyaaraha kubada cagta ah.

Kooxda OYSU ifo oo ah koox aad u firfircoon ayaa laciyaartay kooxaha ugu waawayn ee kajira dhagaxlay, xagardheere iyo ifo waxayna soo hoyisay guulo badan.

Sikastaba ha’ahaatee kooxda OYSU ifo ayaa shalay garoonka dhagaxlay kala hoyatay farxad iyadoo kabadisay mid kamid ah kooxaha ugu waawayn ee xerada kajira

G/gundiid

ONA

dhagaxlay

__._,_.___
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay