Qaar kamida Bulshada Somaliyeed  ee ku nool  magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape iyo wafdigii Kormeer ee ka socday gudiga fulinta Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa ee uu hogaaminaayay  gudoomiyaha Jaaliyadda JOKA  N/tiihure C/raxman  Siciid  kana yimid magaalada Port Elizabeth ee Xuarunta gobolka Eastern Cape ayaa maanta Shir ku qabtay magaalada Queenstown ee wadanka South Africa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay  Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa waxaa ka sooqaybgalay qaar kamida  bulshada Somaaliyeed iyo Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee Kunool magaalada Queenstown   ,iyo marti sharaf kale , shirkan  ayaaa  ahaa Shir Abaabul  Kormeer iyo wadatashi isugu jiray kaasoo ka mida dhaq-dhaqaaq yada ay Jaaliyadu ka waddo wadankaas  si loo sii xoojiyo waxqabadka Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa.

Shirkan waxaa  khudbad dheer oo ku aadanayd    Taariikhda  wadanka Ogadeniya iyo Siyaabihii loogu  gacan galyay gumaysiga Itoobiya ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyadda JOKA N/tiihure C/raxman Siciid  wuxuuna  goobta  ka Cadeeyay in Shacabka Somalida Ogadeniya u baahan yahay in ay Taageero buuxda Ka helaan Caalamka gaar ahaan  walaalahooda Soomaliyeed (Somaliweyn) islamarkaana  uga hiiliyaan Cadawga Somaliyeed ee Soo jireenka ah (Itoobiya) C/raxman ayaa sheegay in Dadka Somaliyeed yahay Dad sinaba aan ukala maarmin islamarkaana  wadaaga Jinsiyad, Dal Diin, Af (Luuqad) iyo Dhaqanba balse ay Jiraan Faragalin Shisheeye  (Itoobiya) oo aan ogolayn isfahanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa waxaa Kahadlay Odayaal,  Dhalinyaro, Culumo Awdiin, Masuuliyiin, iyo Marti Sharaf kale waxayna  dhamaan-tood sheegeen inay tahay wax aan loo sii dulqaadan karin Falalka argagaxisnimo ee  ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ku hayaan Shabacka Somalida Ogadeniya isla markaana Taageerayaan Qadiyada Ogadeniya Si looo hello daganaansho ka bilawda Geeska Africa gaar ahaan Somaliya.

Dhankale waxaa  goobta  hadal ka soo jeediyay Xoghayaha  Ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya OYSU  ee Gobolka Eastern Cape  Maxamed Xassen  (Dhagacaleen )wuxuuna gobta ka akhriyay qodobo muhiim ah iyo sidii loo sii adkayn wax qadabka Ururka OYSU.

Xayi Yare

Queenstown

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay