Waxaa lagu qabtay caasimada Oslo ee dalka Norway, bandhig-faneed noociisa aanu horey uga dhicin dalkaas oo ay soo diyaariyeen Jaaliyada Soomaalida Ogadeenya, halkaasoo lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka dadyowga ku nool wadamada geeska Afrika.

Bandhig-faneedka oo ahaa mid lagu qabtay badhtamaha magaalada Oslo ee Grønland, ayaa waxaa si heer sare ah u soo qaban-qaabiyey abaabulkiisana lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda dalka Ogadenia iyo ururka dhalinyarada ee OYSU, qeybtiisa Norway, oo si layaab leh u soo bandhigay maanta ciyaaraha dhaqanka iyo hiddaha ummadda Soomaaliyeed caanka ku tahay iyo ciyaaro dhaqameedyada gaar ahaaneed ee kajira dhulka Ogadenia ee ku hoos jira gacanta gumeysiga Itoobiya.
Bandhig-faneedka maanta oo loogu magac daray “East Africa Festival”, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u badan, iyadoo Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee dalka Norway ay ku marti-qaaday inay dhaqanka iyo heesahooda ku soo bandhigaan qowmiyado dhawr ah oo wax badan la wadaaga dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana si toos ah masraxa oo ku yaalay badhtmaha magaalada Oslo ee Grønland heeso uga qaadayey Boqorka Dhaantada Soomaaliyeed, Fanaanka codka dahabiga leh ee Maxamud (Jaango), oo wacdaro ka dhigay goobta kana qaaday heesaha uu caanka ku yahay, waxaana goobta masraxa si qurux badan uga muuqday goobta masraxa dhalinyarada oo si balaadhan uga soo dhalaalay kaalinkoodii, iyagoo ku labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka aan leenahay si wanaagsana u tumayey ciyaarta dhaantada oo dad badani ka heleen.

Waxaana iska cad marka laga yimaado barashada dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed iyo taageerada dadkii yimid goobta u hayeen qadiyadda Shacabka dulman ee Soomaalida Ogadeenya ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya, waxa sidoo kale qabashada iyo hirgelinta bandhig-faneeyo sida “East Afrika Festival” ay muujinaysaa heerka sare ee ay gaadhsiisan tahay awooda wax-qabad iyo horumarineed ee Jaaliyadu ku talaabsatay mudooyinkan dambe iyo kaalinta fir-fircoon ee ay ku leedahay isku keenista iyo wax-wada qabsiga shucuubta balaadhan ee ku dhaqan mandiqada geeska Afrika.

Madaxa War-faafinta ee Jaaliyadda Ogadenya/Norway.

 
 

1 Comment

  1. wardheer says:

    maanshaa allaah jaaliyada s. ogadenya ee norway way talaabsatoo tabagashaye yaa yaa yaa taaban karaya guul baan idin leeyahay dhamaantiin

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay