Gaashaandhiga Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya JWXO ayaa soo gaadhsiiyay Wakaalada Wararka Ogadeniya s daggaalo ay la galeen ciidanka gumeysiga Ethiopia labadi todobadaad ee lasoo dhaafay ee Bisha June 02-12-15 June 2013.

Xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegtay dagaalo dhowr ah oo dhaxmaray cwxo iyo kuwa gumaysiga itootiya oo lagu jabiyay ciidamada wayaanaha. dagaaladan ayaa sida ay u kala horeeyeen idiin kuso gudbinayna
14/6/13 Xamarsamay oo qabridahare katirsan  waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

12/6/13 Doofaaray oo Goday katirsan dagaal kudhaxmaray CJWXO iyo kuwa wayaanada waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 5 askari 4 kalana waalaga dhaawacay. Deegankan ayaa maalin ka hor dagaalkan halkaas  Ciidamada JWXO iyo kuwa cadowgu isku haleeleen.

11/6/13 Doofaaray oo Goday katirsan waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

10/6/13 Calalacad oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal adag oo kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/6/13 Calalacad oo Dhuxun katirsan waxaa marlabaad daggaal lagu dabo joogo firxadkii Ciidamada Woyanaha hadhaagiisii deegaankaas ku  firidhsanaa  lagu gaadhsiiyay cadowga khasaare balaadhan.

10/6/13 Goldhabilay oo Garbo katirsan waxaa ciidamada daalan ee woyaanaha loogugaystay khasaare aan faahfaahintiisa Wakaalada Wararka Ogadeniya (ONA) wali soo gaadhin.

09/6/13 ilkadawacada oo Fiiq katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA wali helin.

09/6/13 Gujufka oo dagmada dhagaxmadow katirsan waxaa ciidamada cadawga lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA wali helin.

07/6/13 tuulada Farmadow oo katirsan dagmada Shaygoosh ee qogolka qoraxay dagaal mir ah oo ay kuqaadeen Ciidamada JWXO kuwa gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aad u xoogan oo naf iyo maalba leh.

06/6/13 Shinbiralay oo dagmada Dhuxun katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

06/6/13 Saax-dhabilay oo Goday katirsan waxaa cadawga lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin ONA soo helin.

06/6/13 Maygaag-wayne oo Fiiq katirsan waxaa ciidamada gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

05/6/13 Haardhagax oo dagmada Fiiq ee xarunta gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA helin wali.

04/6/13 Haar dhagax oo Fiiq katirsan waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaar balaadhan oo aan faahfaahintiisa ONA helin.

02/6/13 Ogobi oo Galaalshe katirsan waxaa ciidamada cadawga lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA soo gaadhin.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay