QADAR:- Labadan nin oo muddo dheer ku dhex jiray culumada somaliyeed oo lagu martisoori jiray inay yihiin mujaahidiin ka soo cararay Itobiya oo dagaal jihad ah ka wada dhulka Somaliyeed ee Itoobiya ay gumaysato ayaa hadda noqday ergada Itobiya ee wareega dalalka carabta say uga raadiyaan inay Itoobiya tahay dal jecel nabadda iyagana ay aqbaleen nabadda iyo dastuurka Itoobiya.
 
Waxay hadda joogaan dalka Qatar inkastoo ay iska qariyeen culumadii somaliyeed ee horey ay ula lahaayeen xidhiidhka, hadase ay u arkaan inay yihiin cadawgooda. Warar aan ku helnay si hoos ahaan ah ayaa sheegaya inay xambaarsan yihiin waraaqo uu soo qoray dhiigyacabka Itoobiya oo ku socda dalka xukuumadda Qatar. Warkaa oo iyaga afkooda laga helay ayay ku sheegeen inay doonayaan inay u horseedaan jawi ay ku wada hadlaan Qatar iyo Itoobiya taasoo sida ay doonayaan hadday u dhacdo loo balan qaaday iyagana inay u magacaabi doonto Itoobiya safiiro u jooga Qatar.
 
Ibraahim dheere iyo ku xigeenkiisii halkaa ayay ku dambeeyeen culamadii Somaliyeedey.. waxay ku dambeeyeen inay u dirsato Itoobiya dalalka Carabta. Waxay ka yimaadeen dalka Sudan oo lagu dhex arkay shirkii looga hadlayay arimaha Qudus, halkaasoo sida ay noosheegeen ardayda wax ka barata Sudan ay sharaf dhac kala kulmeen markuu mujaahidka weyn ee Khaalid Mishcal shirka ka dhex yiri lama arag qof muslim ah oo guul ku gaaray isu dhiibidda cadawga islaamka.
 
Waxaa la yaab leh mudadii ay dadka gaar ahaan culumada ku indha saabi jireen inay yihiin mujaahidiin ka wada jihaada Somaligalbeed. Waa hadhka labadiisa galin waxaana dhaboobay hadalkii rasuulka CS uu sii sheegay ee ahaa labada galin, galinna la noqon islaam galinka dambena la gaaloobi. Waxaa aad wax looga cadhooda ah fitnadii ay ka dhex abuureen mujaahidiinta S.galbeed ee qaarkii ay lahaayeen waa cilmaaniyiine laaya oo ahaa ONLF ay maanta ku sugan yihiin maydaankii iyagiina ay noqdeen afhayeenka Itoobiya.
 
??? * ???????? ???????? ???? ?????????? ???? ????????? ??????? ?????? ?? ???????????

Xigasho/Somalimidnimo

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay