Waxaa maanta looga dabaaldagay meela kala duwan oo caalamka ah – Maalinta Qaxootiga Aduunka –. Maalintan ayuu caalamka ugu talagalaa in lagu xasuusto dhibaatada haysata dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha. Dadka shacabka ah ee laga soo barakiciyay dalka Ogadenya ayaa xeryaha dalalka dariska ku dhibaataysan oo aan badankood helin daryeelkii ay u baahnaayeen, gaar ahaan sanadahan dambe oo meela kala duwan oo caalamka ah uu ka jiro dagaalo sokeeye oo saxafadda caalamka ay si fiican uga warbixiyaan.

Xerada Qaxootiga ee Kharze waxaa ku jira dad badan oo gaadhaya ilaa 200 oo qoys oo ka soo qaxay Ogadenya oo qaarkood soo maray Somaliya ama Jabuuti oo ugu dambayn soo galay dalka Yemen. Qaxootiga S.Ogadenya waxay ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee soo galay xerada Kharez, halkaasoo ay kaga soo horeeyeen Somalida ka soo barakacay dagaalada sokeeye intii ka soo gudbtay Badda Cas een ku dhiman. Sidaa daraadeed ma helin badankood daryeelka la siiyo qaxootiga.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qorshe ay soo diyaariyeen guddiga xerada ay kaga codsanayaan jaliyadaha iyo qof kasta oo leh xis aadnimo inuu ku caawiyo qoysaskaa iyo bogtada ku jirta xerada Kharez een haysanin daryeel ku filan.

Halkan Ka Akhri Codsiga oon gadaal ka tarjumi doono.

Help your People in Need Project

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay