Maanta oo ay taarikhtdu ahayd 22-06-2013 ayaa waxaa laga xusay oo looga dabaaldagay waddanka Australiya Maalintii Qoxootiga Aduunka. Munaasbaddan ayaa waxaa loogu magac baxshay, – Walking Together – oo loola jeedo Maalinta Wada Socoshada Qoomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan wadanka Austraia. Socodkaa oo ahaa muddo saacad ah ayaa laga qaaady bartama magaalada Melbourne ah.

Barnaamikan -The walking together – ayaa waxaa kaso qaybgalay tobanaan kun oo isugu jira dadkyawga  Australia u dhashay iyo dadka qaxotinimada ku yimid wadanka Australia gaar ahaan magalada Melbourne ee gobolka Victoria.

Barnaamijkan socodka ah – The walking together – ayaa waxaa aad uga cadcadaa jahliyada S.Ogaadeniya iyo Ururka Midowga Ardayda iyo Dhalinyarada Ogadeniya.

Maalintan ayaa waxa ay Jahliyada iyo Ururka Oysu ee Melbourne Victoria oo wada jira kaga faaiideysteen, ololaha ay hadh iyo habeenba ugu jiraan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen bulshooyinka dowladaha caalamka.

Ururka OYSU iyo jaaliyada ayaa si wadajir ah waxaa ay u soo bandhigeen filmo iyo documentiyo ka turjamayo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta wadanka Ogadeniya oo ay kula socodsiinayeen dadka ka so qeybgaley munaasabadan iyo mediyaha caalamkaba dhibaatada lagu hayo shacabka S.Ogadenya.

Ugu dambeyntii, farxad ayey u aheyd OYSU iyo jaaliyada Ogadeniya iyagoo ka gaadhay ujedadii ay oga qeyb galeen iyo kasii badanba si sharaf lehna ay ugu hirgashay munaasabadan.

Mohamed Nuur/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay