Warar aad u faahfaahsan oon ka helnay ilo-wareedyo ka ag-dhow xafiiska gacan-ku-dhiigle Cabdi Iley ayaa ka waramaya in maalintii shalay ahady uu soo gaadhay magaalada Jijiga isaga oo hanbalaalsan oo diif iyo rafaad dhamaystay, haraad darana uu ka muuqdo aadna u hiinraagaya dabaqoodhiga lagu magacaabo Kornayl Cabdi Aadan Waris oo ah ninka haysta maleeshiyada Hawaarinta boos ahaan inkastoon ognahay in awood ahaan uu maxaysatadaasi maamulo ina Iley iyo gacanyarihiisa Labaale laakiin isaga ayaa ku magacaaban taliyaha Hawaarinta.

Ninkan waxaa firxadkii uu lagalay oo laga keenay gobalada waqooyiga Soomaliya kadib markii uu ciidanka JWXO isku qaadeen dagaal faraha lagaga gubtay kaasoo ka dhacay aaga Awaare iyo Marsin dhexehooda.

Waxaa la leefay gabi ahaanba ciidankii uu watay ee Hawaarinta ahaa kuwaas oo aan ilaa iyo hada lagaran-haynin dhimashada tiro ahaan laakiin warka laga soo wariyay inuu sheegay Cabdi A. Waris uu yidhi inta aan hada ogahay; 70 askari oo hal meel aha ka dagaalamaysay, waxaana maydkooda aragnay 40askari oo ay ku jiraan [2]shaalaqe iyo [3]shaanbal, halka [15]na ay yimaadeen iyaga oo anbad ah, intii kalana aan wali lagaran-haynin meel ay ku danbaysay waa sida uu hadalka u yidhi ina Warise..

Kadib markii dagaaalkan faraha lagaga gubtay dhacay loona awood sheegtay maleeshiyadii Hawaarinta ayaa waxaa naftiisa la caariday oo la fakaday ina Aadan Waris isaga oo watay 7ba gaadhi iyo istafkoodii wuuna anbaday waxa uuna galay gobalada waqooyi ee Soomaaliya waxuuna firxadkii ku tagay tuulada la yidhaahdo Salaxley taasoo Hargaysa u dhaw sida la sheegay.. Kadibna waxaa hareereeyay ciidankii reer Waqooyiga iyaga oon garanhaynin waxa ay yihiiin isna uunan garanhaynin meesha uu joogo. Kadib wuu isdhiibay waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga isaga iyo istaafkiisii. Markii lawaraystay iyaga oo maxaabiis ahaan ah oo hubkii iyo turayihiina lagala wareegay ayaa kolkii la xaqiijiyay inuu yahay maleeshiyaanka Itobiya u shaqeeya isla markaana lagala soo hadlay dhanka Jigjiga ayaa la soo galbiyay isaga oo la wado maalinimadii shalay ahayd ayaana Jijiga la keenay.

Waxaa arintii aad uga cadhooday oo laga dareemay inuu barooranayo gacan ku-dhiigle Cabdi iley iyo u adeegayaashiisii, iskaba daa saraakiishii Itobiyada ee shalay uun u haysatay hubkii horee lagala hadhay maxaysatada uu dhoo-dhoobay.

Waxyaabaha kalee ka dhacay goobtaa waxay ahayd in danbiile ina Iley uu isla markiiba isaga oo aad u xanaaqsan lahadlay ninka loo yaqaano C/laahi Itobiya oo ah kan sheegta hogaanka nabadgalyada , waxa uuna amar ku siiyay higaadin kadib inuu si dag-dag aha uu ugu yimaado ka dibna canaan culus, hanjabaad iyo wax aan lagaranin ayuu ku maydhay. Sababta keeentay inuu C/laahi Itobiya kula dhaco canaanta ayaa ahayd in dagaalka miyiga ka dhacay ee 70ka askari lagu la’yahay ayaa waxaa amray oo dagaalkaas waajibkiisa bixiyay C/laahi Itobiya. Isaga ayuuna ahaa markii ay maleeshiyadu u sheegtay inay nimanku ka xoog badan yihiin doonahayaana inay ka firxadaan amarka ku siiyay inay dagaalamaan, waana taas mida hada ina Iley uu ugula duldhacay canaanta..

waxaa iyana xasuus mudan weerarkii Marsin kadib inay maleeshiyadu xasuuq gaysteen dileena iyagoo wisisan [5]oday oo da’ah oo ahana oday dhaqmeedkii deegaankaas…

Guusha Gobanimadoonka Leh.

ONA/Jigjiga

 
 

5 Comments

  1. wardheer says:

    waxa aan leeyahay gul iyo gobanimo waxa aan aad ugu hambalyaynayaa guusha ay gaadheen naftood hurayaashu jwxo guulaysta guulana ha idinla jiro

  2. wardheer says:

    waajibkooda ayaa saas ah hadaan indha run ah la tusin lamaga amaan helayo daandaansigoodii ayaa batay marka waa lagama maarmaan in xaqiiqda jirta la tuso ayaguna way ku cibra qaadanayaan marka ay arkaan in ay xaaladu tahay hala soo gabagabeeyo ayaga ayaa runta ogaan

  3. dhuure qorahay says:

    guusha xaqu dirirkaa leh mujaahidiinta jwxo waa idinku diirsanay ilaahay haydin guuleeyo amiin

  4. diini hirmoge says:

    a s c ugu horayn waxan salamahaya mamulka iyoshaqalaha ONA/ waxana uga mahad celin haya sida wanagsan ee wadaninimada leh ay ugu dadalahayan kafarxinta iyo bararujinta dhaman bulshada ogadenia iyo tagerayasha halganka xaqa ah ee kasocda ogadenia waxana lehey halkas kasiwada inta ay ogadenia calanka kaqadanayso intas kadib waxan lehey gushagobanimo doonkaa iskaleh hooga iyo jabkana iyo bur bur kana gumaysiga iyo gumaysi kal kaalka aya iskaleh ogadenia an way xorobi inshaa allaaaaaaah wana gulaysanaynaa inshaa allaaaaaaah

  5. Ok waa guul lagaadhay

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay