Wararka ka imanaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ciidamada cadawga lagu jabiyay. Dagaaladaa oo meela kala duwan ka dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwan;

8/6/13 Dhurde-koriye oo Qoriile katirsan dagaal kudhax maray cwxo iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka daalan ee gumaysiga lagaga dilay 2 askari 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/6/13 Laandheer oo Caado katirsan waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faah-faahin lagahaynin.

17/6/13 Dirindiirada oo Caado u dhaw dagaal adag oo kadhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 7 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/6/13 Laan-jaleelo oo Doolo katirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.

20/6/13 isla Laan-jaleelo waxaa ciidanka maxaysatada loogu gaystay khasaare balaadhan oon faahfahaintiisa aanan helin.

16/6/13 Boolo oo Shaygoosh katirsan waxaa ciidamada wayaanaha loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

17/6/13 Cadalay oo Qoraxay katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa laga dhaawacay.

20/6/13 Xaylay oo Shaygoosh katirsan waxaa ciidanka nacabka lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan.

19/6/13 Goonle oo Gunagada katirsan waxaa ciidamada wayaanaha loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

17/6/13 Suryo-sagaaro oo goboka Qoraxay katirsan waxaa ciidamada nacabka lagaga gubay 1 baabuur oo isaga iyo wixii saaraabay ay basbeelen.

20/6/13 Gaadh-qaraxa oo Gabagabo udhaw waxaa kugadoomay 1 baabuur oo ay saaraayeen ciidan kuwa gumaysiga ah waxaana halkaa kubaab’ay gaadhigii iyo wixiisaaraaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay