Waxaa shir aad u balaadhan isugu yimid xubnaha jaaliyada magaalada Edmonton kaasoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin sare oo ay kamid ahaayeen mudane Maxamed macalin Axmed, DR Maxamuud Ugaas, maxdaxa hay’ada daryeelka Agoonta  iyo waxbarashada geeska afrika Dr. C/raxmaan Yuusuf.

Waxaa shirka lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah kaa soo uu inoo soo jeediyey sh. C/ xakiim Maxamed Weli wuxuuna ka hadlay in aynu Ilaahay talo saarano si aynu u gaadhno ujeedada aynu leenahay oo ah waajib diini ah. Ilaahay ha inagu anfaco.

Wacdigaa ka dib Waxaa lagu soo dhaweeyey mikrafoonka gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton  mudane Ismaaciil C/ laahi  kaas oo ka warbixiyey hawlaha jaaliyada u qabsoomay iyo barnaamijyada hor yaala ee la doonayo in la fuliyo  sidoo kalena loo  baahanyahay in horey looga sii socdo oo la labanlaabo hawsha halganka ee jaaliyada.

Sidoo kale waxaa khudbad  aad u qiimo badan soo jeediyey madax hogaanka arimaha ururka iyo dabagalka / waxbarashada  ee jaaliyadaha Canada halgame Maxamed aadan dubat  wuxuu aad uga hadlay maamulka wanaagsan iyo waxa  looga baahan yahay ,wuxuuna carabka  ku dhuftay in jaaliyadaha  Canada la siin doono aqoon kororsi iyo siminaaro socon  doona oo marba qayb la qaadan doono.

Waxaa madasha lagu soo dhaweeyey DR Maxamuud ugaas  oo la sugayey warbixintiisa isagoo ka yimid Bariga Afrika gaar ahaan magaalada Nairobi. Wuxuu aad ugu dheeraaday siyaasada geeska afrika taas oo uu sheegay in aan xal loo helaynin ilaa la xaliyo qadiyada ogaadeeniya ,wuxuu yiri maanta  halganka ogaadeeniya wuxuu marayaa meeshii ugu saraysay siyaasad ahaan iyo caskariyanba waxaana la idiinka baahanyahay in aad sii dardargelisaan hawshan adag ee aad u xambaarteen shacbigiina dulman.

Isuduwaha jaaliyadaha Canada mudane Yuusuf Ismaaciil  ayaa soo jeediyey khudbad aad u qiimo badan isagoo ka hadlay in ay ina horyaalaan hawlo aad u farabadan oo u baahan  in la kal a guro sida ay u kala mudan yihiina loo kala hormariyo,kuwaasoo ay kamid yihiin abaabulka bulshada,mudaharaadyo inagu soo socda,udiyaar garowga sidii aan uga qayb qaadan lahayn shirweynaha jaaliyadaha aduunka ee ka dhici doona sanadkan dalka S. Afrika  iyo geedi socodka halganka Jwxo hormuudka ka tahay sidii aynu door muuqda uga qaadan lahayn.

Madaxa hay’ada daryeelka Agoonta iyo waxbarashada geeska afrika mudane C/raxmaan Yuusuf ayaa ka warbixiyey wax qabadka hay’ada meesha uu maraayo wuxuuna soo bandhigay Agoonta Soomaalida Ogaadeeniya ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee Kenya taa soo uu yidhi waxay u baahan yihiin in la kafaalo qaado  si aynu u badbaadino agoonteena waalidkood u shahiiday halganka lagu xoraynayo ogaadeeniya, wuxuuna ku  dheeraaday  baahida joogtada ha ee taala xeryaha qaxootiga ee maalin walba sii badanaysa.

Si kastaba ha ahaatee shirkii hawlwadeenada jaaliyada magaalada Edmonton  wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo laga dheehan karo  xubnaha wajiyadooda.


ONA
Edmonton,Canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay