Kulan howleed ay isugu yimaadeen xubnaha galaha dhexe ee gudaha Ogaadeeniya oo ka dhacay xarunta dhex ee jwxo kaasi oo socday mudo Afar cisho ah ayaa waxaa kasoo qayb galay masuulyiinta golaha dhexe ee kusugan Gudaha Ogaadeeniya, taliye qaybeedyada iyo waaxyaha jabahada ee ka howl gala dugaha Ogaadeeniya ayaa guul kusoo dhamaaday.

Kulakan oo socday intii udhaxaysay 19-22 bishani lixaad ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimo farabadan oo muhiim u ah halganka Ogaadeeniya.
Mudadii uu socday kulankan ayaa waxaa lagu jeex jeexay laguna qiimeeyey wax qabadka mudadii u dhexeeysay kulankan iyo kii ka horeeyey, guulaha halganku gaadhay iyo guuldarada cadowga, kaasoo la isla wada qiray inuu guulo balaadhan gaadhay halganku. Weeraradii iyo dagaaladii dhammaan lala galay cadowgana lagu soo hooyey guulo wax ku ool ah.
Qiimayntii iyo warbixinadii kala duwanaa ee lagu sameeyey marxalada cadowgu kusugan yahay ayaa waxaa la isla qiray in cadowgu marayo meel aad u liidata, haday noqon lahayd Xag dhaqaale, ciidan iyo Xag siyaasadeedba.

Mudadii uu kulanku socday ayaa Waxaa kaloo aad loogu hambalyeey jaaliyadaha dibada kaalinta fir fir coon ee ay kaga jiraan halganka lagu xoraynayo ciida Ogaadeeniya waxaana aad loogu booriyey inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo wax qabadkooda.

Kulanka ayaa markii uu dhamaaday waxaa kasoo baxay go’aamo dhaxal gal ah, oo lagu dar dar galinayo howlaha halganka, Sidoo kalana waxaa lagu cambaareeyey falalka nafla caarinimada iyo rafashada ah ee gumaysigu kula kacayo dadka shacabka ah ee aan iska difaaci Karin waxyeeladooda.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay