Maanta  ooy  taariikhdu  tahay  28/6/  2013 ayaa waxa  shir  isugu  yimid  jaaliyada  qiimaha badan ee Sucuudi  Carabiya  faraceeda  Riyaad. Shirkaa   oo  ay  ka soo qaybgaleen  dhamaan xubnaha  bulshada Soomaalida Ogadenia ee Riyaad. Waxaa shirka lagu furay sidii waajibkuba  ahaa  aayadaha  quraanka  kariimka ah oo uu akhriyey  sheekh Axmed Yuusuf.

Aayadaha iyo wacdi diini ah ka dib waxaa shirka  lagaga  hadlayey sidii  halganka  xaqa ah  loogu  hurilahaa naf  maal  iyo  maskaxba loona  dardar  gelin lahaa hawlaha jaaliyada iyo  waxqabadka loogana digtoonaan  lahaa shirqoolada  iyo  isku dayga gumaysigu iyo  daba-qaniinku ay ka wadaan qurbaha.

Shirku  wuxuu bogaadiyey habsami u socodka halganka JWXO ay hurmuudka ka tahayee lagu

xoraynayo Ogadenya. Wuxuu canbaareeyey shirka xasuuqa iyo falalka fulaynimada ah ee  gumaysiga iyo gacanyarahiisu ay ku  hayaan  shacabka Soomaaliyeed ee Ogadenya. Wuxuu shirka ugu  baaqay  bulshada Soomalida Ogadenya in ay  labanlaabaan waxqabadka ay halganka lagarab taagan yihiin. Wuxuu shirka ku  soo dhamaaday farxad iyo go’aano dhaxalgal ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay