Ururka dhalinyarada OYSU faracaMelbourneayaa soo abaabulay muxaadaro looga hadlaayay Ramadaanka oo aan hada ka hore lagu qabanin magaaladaan. Ururka OYSU Melbourne ayaa Nasib u yeeshay iney qabtaan muxaadaradan diiniga ah oy u soo bandhigaan bulshada arimaha la xidhiidha Soonka.

Sheekh Fatxi ayaa waxaa uu shirkan sidii caadada aheyd ku furay aayado Quran ah iyo wacdi diini. Ka dibna waxaa furay gudoomiya OYSU VIC halganr  Mukhtar oo halkaas ooga mahad celiyay dhalinyarada, hoyooyinka, odayasha iyo wax garadka sida sharafta badan oy uga soo qeeb galeen. Mudane Muktar ayaa halkaas ka soo jeediyey wax qabadkii OYSU guud iyo waxqabadkoodii. Ka dib, waxaa makarafoonka lagu soo dhaweey gudoomiyaha jaaliyada Vic. Mudana Hikam oo halkas mahad celin balaraan ooga soo jeediyey OYSU iyo sheikh Fatxi iyo dhamaan jaaliyada reer Ogadenia ee Vic. Halgame Hikam oo ahaa shir gudoomiyaha munaasabaddan diiniga ee looga hadlaayay Ramadaanka kaasoo la sugaayay mudo badan. Waxeey aheyd maanta maalin aad muhiimad ugu ah dhamaan bulshada Somalida Ogadenia eeMelbourneiyo walalaha kalee ka soo qeyb galay muxaadarada  uu soo jeediyay Sheekh Fatxi. Muxaadaradan aya waxaa looga faa’iideysanaayay axkaamta Ramadaanka, sida waxyaabaha buriya iyo shuruudaha looga baahanyahay qofka muslimka ah in laga helo si soomku uu ooga ansaxo.

Ka qeybgalka Muxaadaradan looma kala hadhin, dhamaan familiyada shacabka Somalida Ogadenia oo ka faa’iideystay wacdigan aya aad ugu mahad celiyay Sheekha iyo ururka soo abaabulay OYSU Melbourne.

Waxaa kaloo loogu dabaal dagaayey munaasabadda sanad guuradii (3) ee ka soo wareegatay asaaskii ururweynaha OYSU.

Gabagabadii, waxaa uu gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenia ee Melbourne Mudane Hikam goobta ka sheegay in radiowga ururka uu soo deyni doono muxaadarooyin diini ah bisha Ramadaan dhamaanted..

 

Mahamed Nuur/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay