Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in labadii nin ee u shqaynayay wakaaladda Cuntada ee WFP lagu wareejiyay oo gacanta loo galiyay wakiil ka socda wakaaladda xadka Waqooyiga Somaliya 27kii bishan.

Waxay JWXO sheegtay inay muddo bil ah arintaasi qaadatay ka dib markii ay ciidanka Itobiya iyo sirdoonka ay caqabada badan hordhigeen si aan shaqaalahaa loogu wareejiyeen wakaaladda WFP. Waxaa kaloo ay sheegtay JWXO in sababta ay u geeyeen Waqooyiga ay tahay si shaqaalahaasi ay naftooda u badbaadiyaan.

Talaabooyin dhowr ah ayay Itobiya qaaday si shaqaalahaa aan loogu wareejinin Qaramada Midoobay taasoo ay CWXO fashiliyeen, iyadoo waliba ay Itobiya xakamaysay dhaq-dhaqaaqii ergada Qaramada Midoobay ee arintaa loo xilsaaray. Waxaa kaloo ay ciidamada Itobiya qaadeen weeraro ay ku guuldareysteen, kuwaasoo warsaxaafadeed ciidan ku soo bixi doona.

Waxay JWXO caalamka ugu baaqday inay ogaadaan in xaasaskii labada nin ay weli gacanta ku hayaan sirdoonka Itobiya taasoo culays lagu saarayo shaqaalaha WFP-da in aanay ka hadlin oo aanay eedeyinin Ciidanka Itobiya.

Jabhadda Wadaniga xoreynta Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay