Ugu horayn waxaan salaan diiran hawada umarinayaa dhamaan Xubnaha & masuuliinta qaybaha kala duwan ee OYSU meel kasta oo ay joogaanba,sidoo kale waxaan salaamaya ,Hogaanka sare ee Shacbiga Somalida Ogadenia  iyo dhamaan xubnaha JWXO meel ay halganka muqadaska ah kaga jiraanba.iyo shacbiga keena diidka ah ee Somalida Ogadenia Ilaahayna waxaan ka baryi inuu halganka aad ugu jirtaan xoraynta ummaddiina dulman idinku guuleeyo hawlahana idiin fududeeyo.

Salaam gobanimodoon kadib: Anigoo ka faa’idaysanaya  munaasabadan taariikhiga ah, oo ah sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegtay xiligii lamideeyay faracyadii & cududii ururka Dhalinyarada Somalida Ogadenia, islamarkaana aynu shirwaynihii 2aad ee Ururka siguul ah oo taariikhda gashay uu inoogu qabsoomay,munaasabadahaa taariikhiga ah e isku soo aaday awgeed waxaa lagama maarman noqotay inaan dareenkayga idinla wadaago.

Walaalayaal taariikhda caalamkan aynu ku noolahay waxaa badalay oo heerarkan soo gaadhsiiyay dhalinyaro inaga oo kale ah oo aan xiligaas haysan fursadaha dahabiga ah ee aan manta haysano, waana shalay diini ah in qofka maalinta qiyaame lagala xisaabtami wuxuu dhalinyaranimadisii ku soo qabtay.

Sidaa daraadeed, taariikhda OYSU uma baahna inaan ka sheekeeyo ee waxaa ubaahan in aan is xasuusino taariikhda bulsho & dal ahaan aynu leenahay,inaynu milicsano, kadibna aan kuhawl galo sooyaalkii taariikheed & raadka uu inagu yeeshay,walaalayaal dalkeenii aynu lahayn & dadkeenii ,qof loosheegayaa majiro maanta, waxa uu kusuganyahay, Dhanka xuquuqul insaanka iyo tacadiyooyinka joogtada ah ee umadeena lagu hayo dhanwalba, Waxaa kale oo aan kawada dharagsanahay jeelkeena maata jooga ee qurbaha muciinka biday in uusan fursad u helaynin uu si xor ah dalkiisa u hor marsado guud ahaan & gaar ahaan shaqsi walba oo kamida Dhalinyarada Somalida Ogadenia maxay tahay waajibka looga baahanyahay ,si aad u ogaato qofwalaw waxa lagaaga baahanyahay. aan dib umilicsano  halgankii dheeraa ee aabayowgeen iyo awowyadeen u soo mareen xoraynta dalka hooyo, iyo ayaga oo dhiig iyo nafbadan u huran heerka uu maanta marayo soo gaadhsiiyay

Sida aad og tihiin halganka ummaddeeena waxaa loo qaybin karaa laba qaybood. Qaybta hore oo ah waqtigii ka horeysay xorriyadii Soomaaliya iyo intii ka dambaysay. ( xorriyadii Soomaaliya). Qaybta hore waxaa la soo maray saddex tawradood oo kala ah: tawradii Axmed Guray ee qarnigii 16aad; tii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee qarnigii 20aad iyo tawradii  xisbigii SYL (Somali Youth League) ee iyana ahayd qarnigii 20aad. Taasi waxay kuu muujinaysaa in halganka Ogaadeenya ka mid ahaa midka ummadda Soomaaliweyn, ujeedadiisuna ahayd madax banaani iyo midnimo.

Aduunkan aan kunoolahay intuu dhisnaa gayigeenu wuxuu ahaa goob ay isku hayaan Gumaysi & Gobanimodoon, waligii shacbigeenu cadaadiskasta oo jirakamatanaasulin xaqiisa taasna waxa hormuud marwalba u ahaa dhalinyaro horkacaysay jiilalkii usoo halgamay gayigeena qolo kasta waxay diidaysay in taariikhdu iyaga kudhamaato oo ay baal madaw ka galaan aduunka,

Hadaba Jiilkeena maanta jira OYSU waxaynu nahay kuwii ugu nasiibka badnaa ee ku soo aaday xili guushii soo carfayso, cadawgiina lajabiyay, qadiyadoodiina wadadii guusha cagta saartay, sidaa daraadeed waxaa la inooga baahanyahay

A-Inaan udiyaar garawno qaran dhisid (Building Nation)

B-Inaynaan ilduufin guushiii halyayada badan loo waayay oo aynaan wax dhaandabangaalo ah inaga leexin

C=Inaynu isudiyaarino in bulsho qarniyo lagumaystay aan caalamka gaadhsiino

D=inaan caalamka farwaawayn ugu dhigno waxaynu nahay,

Masahlana in qodabadaas & kuwo badan oo ina sugaya aan hirgilino waxyaba salka u ah inay hirgalaan waxaa kamaida

A-Midnimo{Unity}

B-Mutadawacnimo{Sacrifice &commitments

C-Kalsooni aan ku kalsoonahay Mabda’eena & Masuuliyada inasaaranba (Selfreliance &self-confidence)

* Waxaad ogaataan in walaalkaaga dhabta ah nin walawba uu yahay midka kula mabda’ah ee ku garab taagan,.Mabda’eenu waa inaan  dadkeena & dalkeena gumaysiga ka xorayno Sidaa darteed waa niyadda birta ah een la loodin karin,ee shacbigeena & qadiyadenaba lagu yaqaano noqonaa kuwii mishiin unoqon lahaa  Wax shuruud ah oo,aan kuxidhnaa  inaynu nafteena qaaliga ah u huro xaqa aayaheena waa inaysan  jirin (Freedom Before every thing).
.**waa inaynu bulsho nadiif ah oo caafimaad qabta,abuuro.

Waa In xubinka dhalinyarada ahi leeyahay akhlaaq dhamaystiran oo soo jiidankarta shucuubta caalamka oo la inaga garan karo kuwa gumaysiga aaminsan.

Geerida & dhimashadu masiibo ma aha ee Majarahabawga ayaa masiiba ah waa inaan taariikhdeena ilaalinaa.

Ugu danbayn walaalayaal Masuuliyada isaaran kaligay waxba maqaban karo ee codkiina qaliga ah sidaad iigu doorateen awoodiinana igu garab istaaga si aan meel muuqata ugaadhsiino bulshadeena.

Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa aan Ogadenya oo xor ah ku wada xusno Aamiin.

Midnimo! Mintid! Isku-tashi! = Guul!

Xoghayaha Guud eev OYSU.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay