Wararka aan sida hoose uga helayno maamulka Cabdi iley ayaa sheegaya in wili la la’yahay qaar badan oo maleesiyadii Hawaarinta ah. Xogta laga helay ayaa sheegay in la waayey sida ay sheegeen [hal shaalaqe]oo kamid ahaa oo tiro ahaana lagu qiyaasayo 300 boqol oo Hawaarin ah, halka dhaawicii Hawaarinta ee dagaalada ka galay aaagaga Dh/buur, Qoraxay iyo Wardheer la soo gaadhsiiayay magaaladan Jijiga, oo hadda ay Jijiga la daalaa dhacayso dawayntooda iyadoo walibana tiradooda ay badan tahay.

Xubinka wararka na soo gaadhsiiyay ayaa yidhi; Qaar ka mida maleeshiyaanka dhaawaca lagu keenay Jijiga oon si xeeladaysan waraysi ula yeelanay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in aaga Higlalay ka xiga dhanka Awaare amaba dhanka Bari ay dagaalo kulul ku galeen oo sidoo kale la’layahay hal shaalaqe oo dhan. Waxaa kaloo uu sheegay in dagaal kooban oo iyaga iyo ciidanka JWXO ku dhexmayay reer dushii aaga Higlaleey todobaadkan bilawgiisii ay kaga dhinteen [1]askari [4]kalana kaga dhaawacmeen halka ay shegeen inay reerka ka dileen hal ilmo aha oo qaydka lagu waday islaana ay labada bawdo xabadii jabisay iyagoo sheegtay in JWXO-na ay halkaas kaga dileen [1]n/h. Waa sida ay noo xaqiiijiyeen qaar dhaawaca hawaarinta ahaa oon waraysanay Jijiga.

Waxaa kaloo iyadana xasuusin mudan in dhawaca Hawaarinta ee aan waraysanay noo sheegeen arin ku noqotay mucjiso taasoo keentay sida ay sheegeen inay qaar badan oo iyaga ka mid ahi ku mooraal jabeen isla markaasna go’aansadeen inay ka baxsadaaan meelaha lagu dagaalamahayo. Waxayna ahayd kadib markii dagaalku bilawday ayaa waxaan aragnay bay dhaheen askari kamida Hawaarintanada oo hal xabad ahi intay ku dhacday kadib jidhkiisii olol dab ah oo aad u wayn kiciyay oo isagoo huraya kadibna orod is dhigay halkaasna ay askartii dagaalka waday ee Hawaarintu ay jaanta wadhay illaa uu askarigii Hawaarinta ahaa ka nafbaxay isaga oo ololahaya askartiisiina ay jabtay. Waxaa arinkaas sharaaxaad dheer ka bixiyay dhaawicii hawaarinta ee Jijiga la keenay ee dadweynaha ay waraysiga la yeesheen ..

Wararka naga soo gaadha goobaha dagaalka ee muujinaya mucjisooyinka taageerada rabi ah marka ay iska horyimaadaan Hawaarinta oy dabada ka wadaan Wayaanaha iyo ciidamada Jabhadda oo dadweynaha gudaha ay u yaqaanaan Xaqle-yaasha, ayaanan soo qorin, si aanay dadka qaarkii ugu fasiranin inaan ula jeedno dacaayad, taasoo aan ku haboonayn aadaabta Ilaahay na-faray. Shaki kuma jiro in qofka muslimka ah ee laga gardaran yahay ee xaqiisa u dagaalamaya inuu Ilaahay ku taageero mucjisooyin farabadan oo qalbigiisa dajisa, midka ka soo horjeedana ku rida niyad jab iyo waano qaadasho. Ma’aha arin ku cusub dagaalada ka dhaca Ogadenya in Ilaahay uu ku taageero mucjisooyin halgamadeena, kuwii hore iyo kuwa hadda socdaba.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. Geeri-gaad says:

    ALLAAHU AK,BAR. Halgame guushaadu waa qariib, Waxaanan leeyahay: Halgamow hamoogaan, Gacntaad kuhaysaaye haab, haabo oo qabo. Teeda kale waxaan idhi anigu waan hubaayoo jihaadkii kabcada iyo {dhayran abaabiila} kankadeeto waa seem. Tukaleeto waxaan idhi, Rasuulaken {SCW} kii daba marteeye, Qowlkii KARIIMKEEN, kuyidhi waa Fal waxan kadi, iyo kan maanta joogaa waaka seemba darajada. halgamaagan qoraaga ah midh yar aan idhaahdo; halgame moowjadaa Rabigu dhigay, iyo mucjisoo yinkiisuba waa ugaar jihaadkoo waa lagarab mujaahidka. Ee Runta muuna deedaa Rabibaa jeclaadoo Rasuulkaa amaanaye, haka milicsanine siidaa.

  2. Geeri-gaad says:

    Walaal waa markale iyo geeri,gaad oo leh diintii Rasuulkeen ruuxii shaki kaqaba Mucjisooyinkaa Rabigu dhigay maba aaminsanaba dee. Markaa halganku waxma dacaayadeeye waxaad sheegto waa rune soo daa hakala reebine, waan kudiirsanaayoo, waan ku kaakacnaabee.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay