Rasuulka CS wuxuu yidhi; Guri waxaa ugu khayr badan midka agoon laga karaameeyo, waxaana ugu shar badan midka agoon lagu dhibo. Ilaahayna wuxuu ugu jecelyahay qofkii wanaag u sameeya agoon ama gabadh garoob ah.

خير البيوت بيت فيه يتيم يحسن اليه و شر البيوت بيت فيه يتيم يساء اليه واحب عباد الله الى الله تعالى من اصطنع صنعا الى اليتيم او ارملة)) صدق رسول الله صلى الله عليه و سلم

Dhaqaalaynta agoonta waxay ka mid tahay akhlaaqda ugu wanaagsan islaamka ee rasuulka CS ee sida aadka ah uga hadlay, wuxuu sheegay Nabiga CS in qofka kafiisha agoon ee barbaariya inay Janada wada galayaan iskumar Rasuulka CS.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم: كَافِلُ الْيَتِيمِ لَهُ ، أَوْ لِغَيْرِهِ ، أَنَا وَهُوَ كَهَاتَيْنِ فِي الْجَنَّةِ ، إِذَا اتَّقَى اللهَ. وَأَشَارَ مَالِكٌ بِالسَّبَّابَةِ وَالْوُسْطَى. أخرجه أحمد 2/375(8868) .ومسلم(7578).

Rasuulka CS wuxuu u sheegay qofkii agoon kafaala qaada inuu la ajir yahay qofka jihaadka ku jira ee goobta dagaalka taagan;


قال صلي الله عليه و سلم ” الساعي علي الأرملة و المسكين كالمجاهد في سبيل الله أو القائم الليل الصائم النهار” – متفق عليه عن أبي هريرة صحيح الجامع 3680-

Aayada badan ayuu Ilaahay kaga hadlay xuquuqda agoonta iyo in loo gargaaro oo loo naxariisto, wuxuuna Ilaahay u ballan qaaday qofka dhaqaaleeya agoonta inuu leeyahay ajir farabadan. Waxaa na sugaya agoontii shuhudada ee haloo tartamo bishan in laga farxiyo.

Hayadda Daryeelka Agoonta iyo Naafada Geeska Afrika – HORN OF AFRICA ORPHAN AND HANDICAP RELIEF ORGANIZATION- oo ah hay’ad ka diwaan gashan wadanka Kenya ayaa si joogta ah uga adeegta agoonta, waxayna leedahay wakiilo caalamka u jooga.

Gudoomiyaha hay’adu waa Dr. C/raxmaan Dheere, Xoghaye Guud waxaa ka ah Axmed Xuseen Axmed. Hay’adan oo la aasaasay 2010 kii ayuu hadafkeeda koobaad yahay Agoonta iyo Naafada Geeska Africa sida magaceda ku xusan, hadafka labaad ee Haya’adana waa dhamaan gargaarka baahanayaasha Geeska Africa intii kolba la awoodo. Sidaa darteed waxaad u nayaysato inaad agoonta inaad ku taageerto kala xidhiidh cinwaanka ku xusan warbixinta filimkan:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay