Maalmuhu iyo billooyinkuba waxay soo laablaabtaan-ba waxaa inoo bilaabatay bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan. Waa hubaal inuu yahay marti culus oo aad u qiimo badan. Waa munaasabad cibaadeed oo aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomada ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isaga muteysta maamuuskaas.  Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaarsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasii tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw). Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan. Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw) ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireyn cibaado fara badan oo kala duwan. Sida uu werinayo Imaamu Dhabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yiraahda “Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaarsiisaa ramadaan-ka”.

Halkan Ka Sii Akhri.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay