Shirkii Gudiga dhexe ee Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Port Elizabeth ee Xarunta gobolka Eastern Cape halkaas oo uu shirku  ka Socday mudo 3-maal-mood ah

Waxaa Shirka ka soo qayb galay Ergooyin Fara badan oo isaga kalayimid qaar kamida magaalooyinka  waa weyn ee wadanka South Africa iyo madax Sare oo ka tirsan Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya  (jwxo) oo khadka Telefoonka  kaga qayb gashay  Shirkan ayaa la qabtaa 6-dii Biloodba hal mar isla markaana lagu ansixiyaa laguna dajiyaa Qorshe-yaasha Jaaliyada Ogadeniya ee Konnfur Africa qiimayn guud habsimi u socodka Jaaliyada waxa u qabsooma wakhtiga la soodhaafay iyo waxa aan uqab sooomin

Shirkan oo ahaa Shir Si Habsami ah u Socday mudada Sedex Bari ah ayaa waxaa ka hadlay dhamaan Xubnihii  gudiga dhexe ee goobta isugu yimid iyo masuuliyiin  Sare oo ka tirsan masuuliyiinta  Jabhadda ONLF. Xubnahan  ayaa Si waafiya uga dooday Arimiha Jaaliyadda iyo qodobadii  yaalay Miiska  Xubnihii qiimaynta Sameeyay ayaa sheegay in waxqabad-ka  Jaaliyadu gaadhay  meejii  loo baahnaa isla markaana Arimaha Jaaliyadu u Fuleen Sidii larabay Eegana loobaahan yahay  in la sii Xoojiyo

Dhanka kale waxaa Shirkan khudbad  ka soo jeediyay gudomiyaha  Jaaliyada  Ogadeniya ee  Koonfur Africa  Mudane C/raxman Siciid wuxuuna  gudoomiyu  ugu dambayn aad  u mahad Celiyay Ergadii Shirka isugu yimid isla markaana u sheegay Xubnihii in ay Arimaha Jaaliyadu u Fuleen Habkii  la doonaayay Waxaa  Shirka lagu ansixiyay Xeer Hoosaadyo loo sameeyay  Ururada hoos yimaada Jaaliyada Sida  Ururka Dhalinyarada iyo Ururka  Habeenka waxaana ka soo baxay Shirka  go’aamo dhaxal gal ah  Iyada oo uu Shirku Si dagan u socday ayaa waxaa ka soo baxay  Canbaarayn Kulul,iyo  Baaq,

Baaq:

Shirku wuxuu dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo taageeradooda halganka xaqa ah ee ay hogaaminayso Jabhadda ONLF,islamarkaana iska ilaaliyaan shirqoolada cadowgu u maleegayo.iyo Shakhsiyaadka u adeega gumaysiga  Shirku wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ayna  indhaha ka daboolanin  xad gudub yada gumaysiga Itoobiya  u gaysto Shacabka Ogadeniya ee Xuquuqda aadamaha  ka dhan ka ah,isla markaana  loo gurmad dadka rayidka ah ee Jeelasha  laga buuxdhaafiyay Si loo hello sinaan iyo Cadaalad.

Canbaarayn:.

 Guddiga dhexe ee JOKA wuxuu canbaaraynayn kulul dusha uga tuuray  xukuumada gumaysiga Itoobiya ee  xasuuqa ba’an ku haysa shacabka birma gaydada ah ee aan waxba galabsanin xasuuqaas oo isugu jira  Dil, Kufsi, dhac, boob, iyo xidh-xidh aan loo kala  aaba yeelin  Dadka rayidka ah ee Soomaalida Ogaadeenya.

Xayi yare

Port Elizabeth

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay