Qormo Googoos Ah

Gobolka soomalida Ogadeniya Kolkaad maqasho waxaad Xasuusan Marxalado La faca Tirsaday Gobolka,Salka Dhibaatadaasi Waa Gumaysiga Qodobada Hogaamiyaana waxay Kala yahiin;-

-Xasuuq Wadareed Gumaysi,

-Colaado Jii-tamay,

-Abaaro

-Cuduro’

– Cadaalad Daro Xabsi IWM

Sawirka  Qodobadaas Ma ah Kuwo Farxadeed, ee waa Murugo, mooraal Jab, Rajo xumo, waana erayo Dhiilo Xanbaarasan mesha Intaasi Taalo Horumar Daaye Waxay U baahantahay Gargaar iyo Gurmad Loo Fidiyo Umadaasi.

 Nolosha Dadka-Ogadeniya Waa Sidee?

In kastoon Kor Ku Xusnay Meel Gumaysi Ka Jiro In nolol Ayna Ka Jirin Gabi ahaanba, hadana Waxaa Laga yaabaa Akhrista Yaasha Maqaalkan, in ay iswaydiiyaan Waxa laga sheego Warbaahinta Itoobiya waa dal Quruxda badane waa maxay Dhiilada ama dhibaatada Qoraalkani Muujinayo? Inta aana Bilaabin Qoraalkan waxaan mudo U Kuur galayey Xaalada Dhabta Ah Ee Ogadeniya, waxaan Qiimeen Ama Fiiro Gaar ah siinayey 3meelood;-

1 xaalada shacabka Magaalo Iyo Miyiba.

2 Tabinta iyo baahinta Warbaahinta Gobanimo Doonka Ah Ee ONLF

3 Tabinta Iyo Baahinta Warbaahinta Itoobiya Siiba mida Afka Soomaliga Ku baxada.

Badhitaanka aan sameyey, waxaa iiga soo baxay 3sedexdaa Qodob inay aad u Kala Fog yihiin Gabi ahaanba.

1 Saxaafada Itoobiya ama Kililka Ayaa Gabi Ahaanba ka been sheega waxa meesha yaala. Dhiiga Qubanaaya Waxaa Loo badalay Biyo Burqanaya Oo aan Ka Jirin Gabi ahaanba Gobolka. Gaajada Taala waxay Ku Badaleen Beero masgo ah oo sawiradooda Laga Soo qaday Wadamo Kale Waxaana makhraati U ahay hadalkii DR Mahamed Ismaaciil Khudbadii UU ka jeediyey shirkii jaaliyada USA ee Ahaa in Beeraha iyo waxyaalah Ay xaysiinayaaan in uu yahay sawiro wadamo kale sida USA laga soo qaaday.

Saxaafada ONLF ama Tageerayaasha ayaa ku guulaysatay In ay helaan xogta taala gobolka Boqolkiiba 20% Halka 80-tanka kale Cidna Ka-warhayn.

Magaalada jigjiga waa magalo madaxada kililka Siday sheegaan, 20ka litir ee biyaha ah ama Jeergaanka waxaa lagadaa 5Bir, inta badana waxaa ka dhaca biyo la’aan oo lamaba helo biyo.

socodaalka Ina Ilay Ee Fiiq

Waayadanba waxaa Jiray Cidhiidhi iyo culeys Heestay Hogaamiyaha Arxan Darada KU caan baxay ee Abdi Ilay, mar walaba oo ay xaaladu Ku Xumaato wuxuu Sameyaa Riwaayad Uu Ka Gadayo Xukuumada Adis Abab, socodaalkani wuxu kamid yahay Riwaayadahaa Uu Gadayo, socodaalkan waxaa Ku baxaya sida uu Xaqiijiyey sargaal Kililka Kamid ah 8maliyn oo bir.

socodaalka Ilay oo Fashilmay

Cabdi Ilay ayaa Intuu Diyaarada raaco oo Tuulo kaga dago dhihi jiray waxaan ku waregay baabuur, Taas waxaa Salkeeda gaadhay” wariyaasha ONA oo usuura gashay in diyaarada uu raacay hoos istaagaan Numarkeedana xaqiijiyaan. Wuxu rabay in dhawaan uu cajalada dheer ku Rido Tviigiisa ESTV oo uu dhaho waxaan lug ku maray gobolada NOGOB, LIIBAN IYO Afdheer, tolow ma qiran doonaa in uu kireestay diyaarad ciidan?

 zuber / adis Abab

FG: Warbixintan iyo sawirada la socda waxaa noo soo diray Aqriste qarsoon oo jooga Adisababa xidhiidhna la leh maamulka Jigjiga qaybo ka mid ah.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. heegan says:

    Waaxan uu maahad celinayaa dhaaman baahda
    Ogadennet waaxana idinleyahaay haalgamayaal
    Waad maahadsantahiin saada waanagsane
    Aad noga haaqabtiirtaan baahida iyo waarbaxintaa waanagsane aad nogasotaabisaan gudahaa ogadenia intaas kaadib waaxan idinleyahaay
    Raabadlaan karim dhaamantin guul iyo goobanimo

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay