Maahmaaha badan oo macnaha iyo ujeedada laga leeyahay uu caalamka ka midaysan yahay ayaa jira inkastoo siyaab kala duwan loo dhaho. Waxaa ka mid ah in qofka markuu nafta u yaabo oo xaaladda ay ku xumaato uu wixii u muuqdaba u maleeyo badbaadadiisii sida Nin Daad Qaaday Xumba Cuskay. Shantii sanee ugu dambaysay waxay Itobiya maal iyo xeelad waxay kartay isugu gaysay inay so afjarto Halganka ka socda Ogadenya.

Arintaa meela badan ayay la gashay ilaa heer calanka ONLF laga lulay Jigjiga oo si fiican loogu dabaaldagay iyadoo la leeyahay waxaa yimid oo lagu soo dhaweynayaa xubna sare oo ONLF ah. Maalmo ayaa calanka ONLF uu ka babanayay Jigjiga, heesaha halgankana laga qaadayay warbaahinta Cabdi iley ee Cakaara. Ujeedada waxay ahayd in laga iibiyo KT. Meles inay Jaaliyadihii ONLF soo xaroodeen iyagoo calankoodii watana ay yimaadeen Jigjiga. Maalintaa waxaan saxaafadda u sheegnay in calankii umadda uu maanta ka babanayo Jigjiga arintaana ay tahay guul, sababtoo ah dadweyne badan oo aad u jeclaa inay calankooda ku dhex wataan Jigjiga ayaa helay fursadaa.

Waxaa kaloo fursad ay u noqotay inay kulmaan qurbajoog xog doon ah oo rabay inay xaqiiqada soo taabtaan iyo dadweynihii gudaha oo xaaladda dhabta ah ogsoon. Halkaana khasaare aanay ku talgalin gumaysiga iyo adeegayaashiisa ayaa ka soo kordhay, oo waxay soo noqdeen in badan iyagoo aaminsan xaqnimada halganka ka socda Ogadenya.

Waxaa ku xigay mashaariic badan oo dacaayad loogu talagalay in jaaliyadaha iyo saxaafadda caalamka lagu jahawareeriyo oo intaba muujinayay liidanaanta gumaysiga iyo dhug la’aanta adeegayaashiisa u jooga halkaa. Shirar balaadhan ayaa loo qabtay dadweyne ay ka muuqato cabsi iyo murugo oo la yidhi gacmaha kor u qaada ama sacbiya ama ku soo celceliya ereyo la qabadsiiyay.

Taalada Sayidka ee laga garab dhisayo taalada Dhiigyacab Meles waxay la mid tahay un arimahaa dacaayada loogu talagalay hasa ahaatee samaynaya macna badan oo gumaysiga dib ugu soo wada noqonaya. Ugu horeyn, taariikhda Sayid Maxamad iyo Darwiisha waa dhaxal aadanaha uu leeyahay oo meela kala duwan oo caalamka ka mid ah lagu dhigo gaar ahaan marka laga hadlayo la dagaalankii shucuubta Afrika ay ku qaadeen Gumaysiga. Umad kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay Halyay la xuso taariikhdiisa oo  loogu talagalo in jiilkasta oo kacaya lagu barbaariyo inay sida halyaygaa u fikiraan una dhaqmaan. Umadda Somaliyeed inay xusaan taariikhda Sayid Maxamad C. Xassan waa waajib umadeed, sababtoo ah halgankii Daraawiish ee Sayidka uu hogaaminayay wuxuu ahaa bilowgii Dareenka qarinimada Somaliyeed. Sayidka wuxuu ku mideeyay markii ugu horeysay taariikhda Halgan Hubaysan in dalka lagaga xoreeyo gumaysigii isu bahaystay umadda Somaliyeed ee qaybsaday. Xukuumadii kacaanka Somaliya ee Maxamad Siyaad Barre uu hogaminayay iyagoo ka duulaya dareenkaa umadnimada Somaliyeed ee gumaysi-diidka ah ayay taalo uga taageen Muqdisho si loo xusuusto taariikhdaa. Qofkasta oo Somali ah oo taariikhda xurmaynaya oo doonaya inuu muujiyo qiimaha Xoriyadda iyo Halganka Gumaysdiid ah waxaa waajib ku ah inuu xusuusto Sayid Maxamad Cabdille Xassan.

Waxaase la yaab leh oo dad badana ay isweydiinayaan sababta keeni karta inay ogolaato Itobiya inay Sayidka taalo uga dhisaan magaalada Jigjiga koox Gumaysi Kalkaal ah oo leh Itobiyaan ayaan nahay, anagoo ogsoon in Itobiya ay ka mid ahayd gumaysigii uu Sayid Maxamad Cabdiile Xassan la dagaalamayay oo Ingriiska ay iska kaashanayeen (Akhri). Wuxuu Sayid Maxamad C. Xassan dagaal ku qaaday 1900 magaalada Jigjiga ciidankii Itobiya ee daganaa ka dib markii ay ciidan Itobiyaan ahaa duulaan ku soo qaadeen, dad shacab ahna ay xoolo badan ka dhaceen. Wuxuu Saiydka ku guulaystay inuu xoolihii laga dhacay shacabka soo furto ..(In 1900, an Ethiopian expedition sent to arrest or kill Hassan looted a large number of camels of the Mohamad Suber Ogaden sub-clan. In answer to his appeal, Hassan attacked the Ethiopian garrison at Jigjiga on 4 March of that year and successfully recovered all the looted animals. This success emboldened Hassan and enhanced his reputation.)

Sida la wada ogsoonyahay oo taariikhda iyo gabayada ku xusan, Sayid Maxamad wuxuu ka diiday gumaysiga inuu isu dhiibo, oo uu ka qaato jagooyin iyo maal wuxuu u ballan qaaday Ingriiska, wuxuuna gabayadii ugu dambeeyay oo uu Somalida u jeedinayay kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan arintaa oo aanay ku sirmin;

Gabayga la magacbaxay Dardaaran ee Sayidka uu tiriyay markii la burburiyay xaruntiisii Taleex, isagoo la hadlaya qaar ku wiirsaday wuxuu yidhi;

–        Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

–        Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

–        Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

–       Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

–        Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

–        Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

      1. Dardaaran

Gabaygaa Sayidka ee murtida gumaysi diidka ah ay ku dheehan tahay ma ogolaan doontaa Itobiya maadaama Taalada Sayidka laga dhisayo Jigjiga in dugsiyada loogu dhigo caruurta? Ma dhic karto in Taalo loo dhiso shaqsi taariikhi ah hadana la qariyo taariikhdiisa ama la dhalan rogo.

Bal aan isha ku hayno in Taalada Sayidka uu la mid noqdo Calankii ONLF ee Jigjiga ka bilig yidhi si dacaayad loogu helo gumaysiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay