Wararka nagasoo gaadhaya Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo gudaha wadanka Ogadenia ku dhexmaray Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya dagaaladaas oo cadawga lagu jabiyay ayaa waxay u dhaceen sidan;

24/6/13 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhaxmaray Haraniya oo dagmada Fiiq ee xarunta gobolka nogob katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 4 kalana waa lagadhaawacay.

25-27/6/13 Qudhbalaadh iyo masaajidka oo dagmada fiiq kawada tirsan dagaalo kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin tiisa lahaynin.

26/6/13 Dikay oo Fiiq udhaw waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.

2/7/13 Sardaale oo dagmada Dhanaan ee gobolka shabeelle katirsan dagaal kadhacay waxaa waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagadhaawacay.

27/6/13 Leedilay oo duleedka dagmada Dhagaxbuur kutaala weerar ay cwxo kuqaadeen ciidan uugumaysiguleeyahay oo halkaas kusugnaa waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dhaawacay 5 askari dawo iyo saanad kalana waa lagaga furtay.

27/6/13 Leedilay kamiin ay CWXO u xidheen gurmadkii ciidamada wayaanaha waxaa soogalay ciidamo uu cadawgu leeyahay waxayna halkaas kudileen 17 askari oo kuwa gumaysiga ah.

5-6/7/13 Lix’iridoodka iyo Gotin oo Caado kawada tirsan waxaa ciidamada wayaanaha lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

3/7/13 Fiiq-fiiqyada oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dhaawacay 8 askari.

27/6/13 Gobcaayeed oo Dhagaxbuur katirsan waxaa ciidamada cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

1/7/13 Cidhiidhiga oo dagmada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxay katirsan waxaa waxaa ciidanka gimaysiga lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagadhaawacay.

6/13  Qaado oo Qabridahare udhaw dagaal agad oo kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 15 askari 11 kalana waa laga dhaawacay.

1-2-11 bisha july dagaalo ka dhacay Inasalaan iyo Galiilaha oo gobolka Qoraxay kawada tirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.

10/7/13 Dardhowr oo Qabridahare katirsan kamiin ay kaxidheen CWXO waxaa ciidanka gumaysiga lagaga gubay 1 baabuur oo isaga iyo wixii saaraaba isla basbeeleen .

28/6/13 Raybadlay oo dagmada Shaygoosh katirsan waxaa ciidanka wayaanaha  lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay