War deg deg ah oo wariyaha qarsoon ee jigjiga uu noo soo gudbiyay goor dhaweyd ayuu noogu sheegay in caawa suuqa iyo magaaladaba laga dhigay bandow, waxaana wadad qulqulaya ayuu yidhi ciidamo aad u fara badan oo aan filayo inay Soomaliya ku socodaan, inkastoo aanan hubin.

Ciidamadan ayaa saaran baabuurta dagaalka basas iwm ilaa casarkii ilaa hada way socodaan suuqana looma dhaadhici karo. Wixii ka soo kordha waan idinla socodsiin doonaa.

Waxaa kaloo jiray in habeenadan dad aad u farabadanguryahooda lagala baxay oo ilaa hadda aan ogayn meel loola kacay badankood. dadkan lala baxay ayaa ahaa dadkii daganaa magaalada, waxayna ku qiyaaseen dad aan kala xidhiidhnay magaalada boqolaal qof in lagala baxay guryahooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay