Waligay oo danbe dib ugu noqon maayo Addis Ababa iyo Ethiopia oo danbena la iga maqli maayo waxaa sidaas yiri wiil jaamacada Stanford University ka baxay oo shaqo u doontay Haayadaha Gar gaarka ee ka howlgala Ethiopia. Hadaba maxuu soo arkay oo ka yaabiyay wiilkan, waxaan uga faaloon doona qoraal uu ka sameeyay socdaalkiisi uu ku tagay Addis Ababa iyo khibradi uu kasoo helay Haayadaha Gargaarka

Alex Martinez Ayaa markii ugu horeysay ka dagay wadanka Ethiopia, ninkan oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka qalin jabiyay jaamacada Stanford University ayaa bartay waxbarashada International Development waxuuna shaqo khibradeed uu ka helay Haayada Gargaarka ee wadanka Mareykanka ee loo yaqaano USAID.

Hadaba maalinkii uu ka dagay caasimada Addis Ababa ayaa waxa uu makiiba la yaabay muuqalka Safaarada mareykanka ee Adis Ababa ku taala iyo Xaalada Wadanka Ethiopia ka jirta, Sidoo kale Shaqaalaha ka shaqeeya Gargaarka oo shaqadi loogu talo galay aan heynin.

Waxa uu yiri sidii aan filayay Safaarada waxaa ku xeegaaran deyr aad u weyn lakiin banaanka safaarada waxaad arkeysa ayuu yiri, caruur yar yar oo ido (Adhi) ku hor raacaya, sidoo kale waxaa wadooyinka ku xeegaaran aad ku arkeysa basas mini buses  yar yar ah oo dadka saaran ay ku jibaarmayaan tirada kuraasta loogu talo galay. Wadooyin aan sharci kajirin oo basaskani afarta jihaba u ordayaan, waxaad kale oo arkeysa dad baayac mushtara oo alaabo tafaariiq ah wadooyinka ku gadaya sida sigaar iyo kaarasha telefanada, dadkan waxay is dhex mushaaxayaan adhigii iyo gawaadhidii iyo dadkii oo wax sharci ah oo kala hagaya uusan jirin.

Haddii aad gasho safaarada Mareykanka gudaheeda arrimahaas oo dhan wax ka gadisan ayaad la kulmaysaa. Wilkan ayaa sheegay in muuqaalka iyo nolosha ka jirta gudaha inta uu ku wareegsanyahay deyrka safaarada Mareykanku uu lamid yahay noloshii ka jirtay mareykanka oo kale dhul qurux badan oo dhamaan shaqalaha safaaradu ay ku nastaan islamarkaasna daganyihiin. Waxaa kaliya oo ceeb ka jirta ayuu yiri wifi- internetka safaarada oo aysan dadku si buuxda u wada heli karin sababtuna waxa weeye internetka safaarada waxaa laga soo jiita shirkada telecomka ee dowlada Ethiopia, midkaas oo cunaqabateyn “black out” ay dowladu saartay.

Hadaba markii aan mudo yar oo kooban joogay waxaan bilaabay inaan wareysto shaqaalaha haayadaha Samafalka waxaanan isku dayay inaan su’aalo ka weydiiyo shaqooyinka ay qabtaan. Waxaan aad u layaabay in cidna aysan ii jawaabin. Waxaadba mooda dadka markii aan su’alaha weydiinayo in arrin khatar ah oo laga hadli karin aan weydiiyay. Markii hore ma fahmin ayuu yiri sababta ay iigu jawaabi la yihiin waxaana is iri armey adiga kuu arkaan nin aan khibrad laheyn. Sidaas awgeed su alahayga waxaan u qaatay kuwo loo maleeyaya inaysan habooneyn. Dadka waxay ka jecelyihiin in arrimaha trafiica xumada ka jira wadoyinka, iyo maqaaxiyaha iyo hoteelada Addis Ababa ee adeega xun inay door bidayaan inay ka sheekeeyaan  kana jecelyihiin inaan wax ka weydiiyo midaas oo si fur furan looga jawaabayo. Markaan weydiyay in mucawamadu Ethiopia ka shaqeyso oo horumar gaadhsiinayso iyo inkale, dadka wajiyadooda waxaan ka dareemay sidii oo aan dhib weyn u geystay oo ciqaab aan ku hayo.

Wadanka Ethiopia waxaa kajira Haayado badan oo samafal oo wadamada ree galbeedku maamulaan. Balse Dadka wadamadan ay soo dirsadaan ma dhaafaan safaaradahooda halkaas oo sida uu ninkan sheegay nolol fiican oo middii wadamdooda oo kale ahi ka jirto. Waxa aan aad ula yaabay ayuu yiri in qof kasta oo raba innuuka shaqeeyo haayadaha samafalka ee International Developments uu jecelyahay innuu ku xidhnaado dadka uu caawinayo midaas oo habeen iyo maalinba aad jeceshahay dadkaas inaad macaamiishaan iskuna xidhnaataan.

Ethiopia midaas kama jirto, Haayadaha Samafalka ee Ethiopia waxaa ka shaqeeya dhamaantood dad Ethiopian ah, kuwaas oo lagu hirgaliyay nidaam loogu magac daray “World Learning Program” Shaqaalihii cadaanka ahaa ee hayadaha samafalku waxay ku jiraan guryaha safaarada.

Mudoo bil ah ayaan wadanka joogay, run ahaanti mudadaas bisha ah ma u maleynayn in wadan aad wax kaga oggaan kartid. Aniga waxaa la ii xilsaaray prpgraamka SCOPSO oo loo yaqaano School-Community Partnership Serving Orphans and Vulnerable Children Affected by HIV/AIDS. Mashruucan waxa uu ka caawiya bulshada dhinaca alaabada Iskoolada, Deymaha, Caafimaadka iyo sidoo kale ardeyda iyo qoysaskooda.

Waxaa la igu daray laba nin oo ka shaqeeya xafiiska World Learning Program Officers waxaan markaas u baxay goobo aan kor meer ku aadnay. Markii hore aan Ethiopia imanayay waxaan u heystay wadan dhul siman ah oo qowmiyad kaliya ku noo shahay. Balse gaadhigi markaan raacnay ee wax yar soconaba waxaan arkeynay dhul muuqalkiisu ka gadisanyahay kii hore, dad dhaqankooda iyo hidahooguba ka gaidisan yahay kuwii hore. Labada shaqale ee ila socday ayaa si fur furan iigu sharxayay qowiyadahan iyo waxa ay ku kala gadisanyihiin oo diiniyan iyo dhaqan, af ahaan iyo dad ahaanba kala duwan. Waxaa yaab leh maaha kaliya in dadkan Ethiopia ay kala duwanyihiin ee sidoo kale waxaa goob kasta oo Ethiopia kamid ah la wareegay haayad kamid ah haayadaha Samafalka oo kasoo kala jeeda haayado ay kamid yihiin World Vission, USAID, South KoreanModel Village, Save the Children iyo kuwo kale oo badan oo midiiba gobol dhan kaligeed u xidhantahay, kuwaas oo u sheegaya waxa qowmiyadaas u roon iyo waxa aan u fiicnayn.

Socdaalkeygaas waxa uu socday mudo 5 maalmood ah waxaana soo qoray warbixino badan oo aysan qorin shaqaalaha Haayadaha Samafalku iyaga oo iska indhasaaba warbixinahaas. Dabcan macluumaadkan aan soo diyaariyay intooda badan waxay noqon doonaan kuwa aan la xiiseynin oo aan la aqrinin oo la iska indho saabo.

Waqtigii safarkeygu dhamaaday ee aan ka baxay Ethiopia waxa kaliya ee aan oggaaday waxa uu yahay in wadanka Itoobiya aan bartay markii aan gaadhay wadankayga USA.  Markaas oo aan oggaaday wax kasta oo Addis Ababa (EThiopia) u taagantahay.

Wadanka Ethiopia waa wadan aan waligiis la guumeysan, balse waqtigan eega la joogo waxaa kajira Ethiopia nooc gumeysi ah.  Haayadaha Samafalka ee wadamada Adduunka ayaa tartan ugu jira islamarkaasna gumeysi ku haya shacabka ethiopia iyaga oo u sheegaya kuna tartamaya sidii ay dadkaas u maamuli lahaayeen waxa noloshooda u fiicana u sheegi lahaayeen.

Isku soo duubo Socdaalka Alex Martinez ayaa sheegaya in Lacagaha Deeqda ah ee lasiiyo Ethiopia si xor ah loo maamuleyn. Dadkii Deeqdan bixinayay inaysan ka war heyn in meeshii loogu talo galay ay gaadhayso maadama dadka samafalada ka shaqeeya ay yihiin dhamaantood Ethiopian (Kuwaas oo ay soo xusheen TPLF).

Waxuu sheegaya Mucwamada Ethiopia la siiyo inaysan shaqeynayn.

Waxuuna kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa innuusan hamiyi doonin innuu ka shaqeeyo Haayadaha Kaalmada ee loogu talo galay horumarka Sida USAID, DFID iyo kuwo kale ee lamidka ah.

Waxuu hadalkiisa ku gabagabeeyay

Waxaan oggaaday sababta ay dadka ka shaqeeya Haayadaha Horumarka ee mucawamadu ay ugu adkeyd inay ka jawaabaan su’alahaygii. Markii aan muddo sii shaqeeyaba waxaa aan arkayay oo la kulmayay marxalado aan aad ugu jahwareeray oo iswada khilaafsan, Maalinba maalinka ka danbeeya waxaa isbadalayay aragtidii aan ka qabay Haayadaha Mucaawamada horimarineed bixiya.

Waxaan darsay oo aan oggaaday rajada iyo himilooyinka wanaagsan ee Aid-ku bixiyo iyo dhibka iyo khatarta hortaagan.

Waxaa aad yaab u leh warbixinta aan kasoo diyaariyay Ethiopia oo noqon doonta mid aan laba dhowrin. Waxaa aad u adag oo la isbarbar dhigi karin waxa yar ee lagu guuleysatay marka la eego dhinaca caafimaadka, waxbarashada, iyo deegaanka (Enviroments) oo aan la barbar dhigi karin Billiyanada lacagta ah ee sanad kasta lasiiyo wadanka Ethiopia. Sanad kasta waxaa wadanka Ethiopia lasiiya $3.5 Billion sida ay sheegtay Global Humanitarian Asistance.

ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay