Taariikhdu  markay  ahayd  20 bisha 7aad 2013ka  ayaa  waxaa  shir  isugu  yimid  jaaliyada S.Ogadenia ee Boqortooyada Sucuudiga  gaar  ahaan  gobalka  Bari  magaala madaxdiisa  Alxasa. Shirkan  ayaa   u qabsoomay  sidii  loogu   talagalay  iyadoo ujeedadiisu ahayd  kala warqaadasho  iyo  isbaraarujin sidii hiil  iyo  hooba  loola  garab  istaagi lahaa   halaganka  ay  JWXO  kula jirto  gumaysiga   gabalkiisii  dhacay  ee  Itobiya.

Shirka  ayaa  sidii  caadada  ahayd lagu  furay  aayado  quraana  iyo  wacdi  diini  ah   uu  soo  jeediyay  Sh. Cabdulaahi oo ah xubin kamid  jaaliyada oo halkaas  joogay. Gudoomiyahay  jaaliyada Alxasa  halgame Khaliif ayaa shir-gudoominayay. Shirka waxaa ka mid ahaa cashir uu u soo diyaariyay jaaliyada  iyo xubnihii kasoo qaybgalay shirka iskuduwaha jaaliyadaha Bariga Dhexe  mudane  Sh. C/hi Ciraaqi   oo halkaa kasoo  jeediyay  khudbad  dheer  kana  warbixiyay  halgankii halka  uu marayo. Su’aalihii  ay waydiiyeen bulshaduna  sifiiican  oo  loo  riyaaqay  uga jawaabay.

Shirkan  ayaa   waxaa   ka hadlay  xubno badan  oo   soo  jeediyay  baraarujin,   wuxuuna  kusoo gababoobay  guul  iyo gobanimo iyo iskutashi lagu balamay.

ONA/Alxasa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay