Waxaa afur isugu yimid hawlwadeenada jaaliyada magaalada Edmonton, halkaasoo ay arimaha jaaliyadda iyo hawlaha Bisha Ramadaan laga sugayo inay fuliso jaaliyadda ay kaga arinsanayee.  Ugu horeyn Gudoomiyaha jaaliyada mudane Ismaaciil C/laahi ayaa ka warbixiyey kulankan iyo ujeedadiisii taasoo uu ku tilmaamay sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn khayrka faraha badan ee ku jira bisha ramadaan, wuxuuna carabka ku dhuftay sidii loogu hawl geli lahaa agoonta iyo bugtada shacabka Somalida Ogaadeeniya ee  ku sugan xeryaha qaxootiga  Kenya.

Isuduwaha jaaliyadaha Canada Yuusuf Ismaaciil ayaa ka soo jeediyey hadal aad u qiimo oo dhinacyo badan taabanayey  isagoo yidhi; waxaa loo baahan yahay in aynu horey uga sii socono meesha aynu taaganyahay inagoo ilaalinayna nidaamka iyo xeerka JWXO  kaasoo inoo horseedaya in aynu gaadhno ujeedada fog ee aynu leenahay ee ah xornimo taam ah.

Waxaa lagu soo dhaweeyey hadalka mudane sare oo ka tirsan JWXO  ahna madaxa Hay’ada  Hanti-dhawrka halgame Maxamed Macalin Axmed oo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay  ka soo qaybgalka munaasabada afurka oo ah buu yidhi mid loo baahanyahay in marwalba la qabato kulamadan oo kale. Wuxuu kaloo yidhi; waxaan halkan uga mahadcelinayaa xubnaha jaaliyada magaalada Edmonton iyo madaxdooda sida fiican oy uga  qayb qaadatay mudaharaadkii lagu sameeyey  wafdi ku sheegii ka socotay gumaysiga Itobiya iyo guusha taariikhiga ah ee aad  usoo hoyseen halgankeena hubaysan ee JWXO ay hormoodka ka tahay.

Hawlwadeenadu waxay goobta ku qodabeeyeen hawlihii u yaalay waxayna sameeyeen shaqo qaybsi taas oo lagu tilmaami karo in  munaasabadii afurku uu guul ugu soo dhamaaday.

ONA

edmonton,canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay