Inkasta oo faraca midnimo ee kahowlgala xerada dhagaxlay ee deegaanka dhadhaab uu kujiro fasax guud oo  loogu talagalay  in shaqooyinka faraca laga nasto mudada lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan ayaa waxaa shir aan caadi ahayn isugu yimid kaadirka faraca midnimo ee kudhaqan xerada dhagaxlay.

Xubnaha kaadirka oo isugu jiray rag iyo dumarba ayaa saaka kasooqaybgalay shirka oo uu iclaamiyay gudoomiyaha faraca midnimo mudane Axmad-daahir. Shirka ayaa furmay abaarihii 10:00 subaxnimo waxaana sidii caadada ahayd lagu furay wacdi diini ah iyo aayadaha qur’aanka kariimka ah oo uu soo jeediyay sheekh aadan macalim oo kamid ah culimada ugu caansan ee faraca. Sheekha ayaa xooga saaray ama wacdigiisu ubadnaa bisha ramaddaan ee aan kujiro iyo waxyaabaha faraa’ilka ah ee qofka looga baahan yahay in uu layimaado iyo waxyaabaha qofku in uu kareebtoonaado looga baahan yahay, sheekha oo aad ugu dheeraaday soonka ayaa dadka madasha fadhiyay kacodsaday in allaah kabaryaan si uu cadawga wadankooda uga dulqaado.

Intaas kadib waxaa lagudagalay ajandayaashii shirka oo aad muhiim u ahaa waxaana aad looga dooday qodabadii lakeenay madasha shirka oo isugu jiray qodobo ay gudiga faracu soo diyaariyeen iyo wareegtooyin kayimid hogaaminta. kuwaas oo dhamaan tood dood dheer kadib la islawada waafaqay isku sina looo fahmay.

Shirka golaha kaadirka ee xerada dhagaxlay oo muhiimad badan lahaa ayaa soo gabagaboobay xili ay goorsheegtu kubeegnayd 12:00 duhurnimo wuxuuna kudhamaaday jawidagan iyo wajiyo farxadleh.

G/gundiid

ONA dhadhaab

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay