Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah oo ay N/hurayaasha CWXO ku cibaadaysteen bisha barakaysan ee Ramadaanka. Dagaaladii ugu danbeeyay ayaa waxay u dhaceen sidan;

3/7/13 goorashilin oo damada Baabili katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.

9/7/13 Qudhacwitir oo dagmada Danood katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.

13/7/13 dhabarooble oo dagmada Marsin ee gobolka qoraxay katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga gubay 1 baabuur oo ay islabasbeeleen isaga iyo wixii saaraabo.
13/7/13 gooroshilin oo Dudumocadka katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.

14/7/13 Karinbarkhadle oo dagmada Sagag katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga gubay 1 baabuur oo kuwa ciidanka ah.
14/7/13 Malablay oo dagmada Gunagado katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin laga haynin.

15/7/13 isla Marsin oo dagmada Galaalshe katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/7/13 Kalaalka oo Dudumocadka katirsan waxaa ciidanka cadawga loogu gaystay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
16/7/13 Marsin oo dagmada Galaalshe waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 9 askari tiro kalana waa lagaga dhaawacay.

18/7/13 Cawarkeen oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar waxaa ciidanka wayaanaha lagugaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
18/7/13 Banbaas oo dagmada Baabili katirsan waxaa ciidanka gumaysiga loogu gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

19/7/13 Waafdhuug oo dagamada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo katirsan dagaal kulul oo ku dhaxmaray CWXO iyo gumaysiga Itboobiya waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 9 askari waxayna ciidanka JWXO lawareegeen guud ahaa xeradii ciidanka gumaysiga iyagoo halkaasna ka qaatay hub iyo saanad farabadan.

19/7/13 Labiga booskaleh oo tuulada Waafdhuug udhaw kamiin ay CWXO kaxadheen waxaa ciidanka wayaanaha loogu gaystay khasaare aan faah-faahin lagahaynin.

19/7/13 Uubataale oo u dhaxeeya Waafdhuug iyo Wardheer kamiin ay CWXO u xidheen ciidan gurmad ah oo uu leeyahay gumaysigu waxaana halkaas lagu gubay 1 baabuur oo kuwa gumaysiga ah waxaana waxaa dadka halkaas kudhintay gudoomiyihii gobolka Doollo oo markii hore dhaawac halis ah soogaadhay iyo godoomiyihii waxay ugu yeedhaan nabadgaliyada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay