Laba war bixinood oo cusub oo ladaabacay bishaan gudaheeda ayaa waxay leeyihiin hormarin  caadi ah (oo saameyn ku keensanayn deegaanka iyo nolosha bani aadanka) oo laga hirgaliyo Ethiopia waa mid aan suurta gal ahayn iyadoon wax laga qaban xaaladaha xuquuqul insaan ee ka jira Ethiopia,

warbixntu waxay tidhi deeq bixiyayaashu waa inay qaataan masuuliyada ah sidii ay u hubin lahaayeen in deeqaha ay bixiyaan aan loogu isticmaalin xadgudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah.

Ethiopia waxa ay ka heshaa sanad walba deeq bixiyayaasha caalamiga ah malaayiin doolar, lacagahaasi oo loogu tala galay in lagu caawiyo sidii horey loogu qaadi lahaa tayada iyo hormarinta caafimaadka iyo waxbarahshada Ethiopia.

Laakiin hay’adaha udooda xuquuqda aadanuhu waxay ay leeyihiin “ waxaa jira xadgudubyo baahsan oo si joogta ah uga dhaca wadanka Ethiopia oo ah wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa. Iyaga oo arrintaas ka digaya waxay dhaheen “Deeq Bixiyaashu waa inay wajahaan lacagtooda deeqda ahi kaalinta ay ka ciyaarto inay  sii huriso xadgudubyadaas ka dhanka ah Bani-aadanka”

Leslie Lefkow,  oo ah kuxigeenka madaxa  hay’ada  Human Rights Watch qaybteeda  Africa  ayaa tidhi “Ethiopoia waxa ay dib udajin u samaynaysaa tiro aad u farabadan oo kamida ah Buslhada Reeguuraga iyo xoolo dhaqatada ah waxayna Ethiopia sheegtaa ayay tiri inay dadkaan usamaynayso nonol ka wacan mida ay hada haystaan, Balse nidaamkan dibu dajintu waxa uu sababay in loo geesto dadkaas falal danbiyeed aad khatar u ah.

Kooxaha xuquuqul insaanku waxay yidhaahdeen waxa loogu yeedho “Deegaamaynta” dadku waxa ay kala kulmaan xadgudubyo ay kamid tahay Kufsi iyo Garaacis, dadka waxaa si qasab ah looga raraa deegaaanada ay ku nool yihiin si aan waa faqsanayn rabitaankooda,

waxaa intaasi ku dareen kooxaha xuquuqul insaanku deegaanada cusub ee dadka sida qasabka ah loogu raray waa deegaano aan lahayn cunto ku filan, dhul-beereed, xarumo caafimaad, goobo wax barasho iyo guud ahaan adeegayadii aasaasiga u ahaa nolosha bini aadamka.

Marwo Lefkow waxay tiri Banigaga Aduunku indhaha ayuu ka xidhay. Muddo sanado ahba waxaan ka hadlaynay xadgudubyada xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee Ethiopia kutalaabsato. Saas oo ay tahay illaa eega ma ay jiraan cid dhag jalaq u siisaay cabashooyinkaas soo yeedhaya lagumana qiimeeyo arrimahaas wadanka Ethiopia marka la qiimeynayo Xuquuqda bani aadam ee wadankaas ka jirta Sidoo kale kama muuqato hanaanka dabagal ee Haayadaha Deeqda siiya Ethiopia inay Ethiopia ku qiimeyaan xaalada xuquuqul insaan ee wadankaas kajirta Sidaas awgeed Bangiga Aduunka Kaliya maahan kuwa sidan u dhaqma ee waa arrin lala wadaago ayay tiri Lefkow.

Bangiga aduunku waa deeq bixiyaha ugu wayn ee caalamka waxa uuna sanad walaba qasnada kabixiyaa deeq dhan 30 billion oo doolar.

Waqtigan hada la joogo Bangiga Aduunku waxa uu wadaa dib u eegid uu ku qiimeynayo sharciyadiisa la xidhiidha in deeqaha uu bixiyay sidii sharciga aheyd loo adeegsaday iyo inkale midaas oo ay bilaabeen sanadkii hore.

Hay’ada xuquuqda aadana ee Human Rights Watch, ee fadhigeedu yahay Magaalada New York ee cariga Maraykanaka ayaa iyadu tidhi “hadda waxaa la joogaa wakhtigii munaasabka ahaa ee ay waa jibka ahayd in la ixtiraamo lana difaaco xuquuqda aadanaha”.

Waxaa kale oo intaas lagudaray inay jiraan farqi kal duwanaansho u dhexeeya, macadyada caalimga ah ee dhaqaalaha, tusaale ahaan Bangiga hormarinta midowga Yurub iyo  Banigiga hormarinta Afrika , waxay ku howlanyihiin sdibu eegis shurcuudooda la xidhiidha marka lafiiriyo mashaariicda siyaasadaha qaar ee ku aadan dhowarista xuquuqda aadanaha, laakiin Bangiga aduunku malaha wax kusaabsan arrimahaas oo xataa laguma hayo hal warqad.

kooxo kale oo xuquuqda aadamaha udooda  oo fadhigoodu yahay dalka maraykanka kuwaasi oo lagu magacaabo  Oakland Institute, ayaa iyaguna waxa ay daabaceen warbixin todobaadkii lasoo dhaafay taasi oo tooshka ku ifisay kaalinta kutumashada xuquuqda aadanaha Ethiopia ee ay ku leeyihiin wadamada Deeqaha  bixiyaya

Waxaa layidhi wadamada Ingiriiska iyo Maraykanku waxa ay iska indhatireen xad gudubyada bini aadanimino ee ka dhacay Dooxada Omo ee kutaala wadanka Ethiopia, halkaasi  oo ciidamada dowlada Ethiopia  si qasab ah uga barakiciyeen guryahoodii tobanaan kun oo shacab ah.

Aggaasimaha guud ee Machadka Oakland Marwo Anuradha Mittal waxay sheegtay “  Waxaa laqaaday oo socda howlgalo lagu baro kicinayo shacabka midaas oo saamaxaysa in lagaadho qorshe lagu hirgalinayo dhulbeereed casriya oo baaxadweyn oo ganacsi ku saleysan iyo Mashruucyo waaweyn oo lagu dhisayo biyo xidheeno waxaana mashruucyadaas lagu fangareeyay lacagaha deeqda ah ee dowlada ethiopia ka hesho wadamada deeqda bixiya.

Waxaakale oo jira kaalmoyin kale oo loo adeegsaday mashruucyo kale sida isgaadhsiinta talaalka dabka korontada iyo kuwakaleba kuwaas oo lug ku leh qorshaha biyo xidheenada laga sameeyay wabiga Omo qeybtisa Lower Omo halkaas oo laga hirgaliyay qorshahan talaalkaas isgaadhsiinta dabka korontada oo loo xidhay si maalgaliyaasha iyo mashuuraca waraabka loogu helo awoodi koronto oo ay ku shaqeystaan.

Xukuumada Ethiopia ayaa sheegtay in beeraha sonkorta iyo biya xidheenanka oo noqon doona amashruuca ugu weyn Afrika ay noqon doonaan furaha tamarta iyo horumarka wadanka. .

Xukuumada gumaysiga Ethiopia ayaa ka dhuumatay inay illaa eega wax jawaaba ah kabixiso eedeymahan ay kusoo dacweeyeen haayadaha xuquuqda aadanaha iyo waliba machadkaa cilmibaadhista Oakland Institute oo fadhigiisu yahay wadanka USA.

Waxaa Soo turjumay Xafiiska ONA ee Bariga Afrika

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay