Ururka OYSU Sucuudi Carabiya ayaa siwanaagsan u xusay sanadguurada 1aad ee aasaaskii ururka dhalinyaada OYSU aduunka oo ku beegnayd maamlintii Isniinta ahayd ee 27/6/2011.
Waxay dhalinyarada daggan Sucuudi Carabiya iskugu yimaadeen magaaalda Riyaad ayaga oo kakala yimid gobalada kala duwan ee wadankan Sucuudi carabiya.
Munaasabadan sanadguurada ayay in muda ah ay sugayeen dhalinyarada oy abaabul iyo u diyaar garoow oogu jireen maalmihii la soo dhaafay , waxaana hoolka sanadguurada lagu qabanayay soo buux dhaafiyay dadwayne aad u fara badan oo ku dhaqan wadanka sucuudi carabiya oo iskugu jira Rag iyo Dumarba.

Munaasabada oo uu shir gudoominayay xoghayaha OYSU Sucuudiga mudane Asad cali ayaa sidii caadada ahayd waxaa lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah, ka dibna waxaa war bixin dheer ka soo jeediyay xoghayaha OYSU Sucuudi carabiya mudane Asad oo warbixin dheer oo meela badan taabanaysay isagoo ka sheekeeyay siduu ururka OYSU aduunka oo dhan ooga ambaqaaday, hurumar badana ka sameeyay iskuna xidhay dhalinyarad Ogadenya. Waxaa kalo uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay ururka OYSU intuu jiray oo ka soo wareegtay Hal sano.

Waxay howlwadeenada dhalinyarada ay dadweynihii ka soo qayb galay siiyeen siminaar aad u qiimo badnaa oo dadka qaarkood ku tilmaameen waligood siminaar midkan oo kale in aysan arkin. Sidookale shirka waxaa lagu martiqaaday maamulka jaaliyada Sucuudi Carabiya oo si aad u heer sareysa ooga soo qaybgashay. Masuuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa dhalinyarada u soo jeediyay gubaabo iyo garab istaag waxayna u sheegeen in ay ku faraxsanyihiin sida wanaagsan ee ururka OYSU ee caalamka ka dhisan u taabgalay oo talaabooyin la higasanaayo u wadaan .

Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dadwaynihii ka soo qaybgalay xuska sanadguurada 1aad ee OYSU oo muujiyay sida ay oogu faraxsanyihiin iyo darenkooda sida uu yahay ayaga oo ku ducaysanayay sanadkan sanadkiisa kale in ay ku xusaan wadankeena hooyo.
Sidoo kale ururka OYSU Sucuudiga ayaa waxuu canbaaranayaa dilkii foosha xuma ee loo gaystay halgame Cabdi Ca/laahi Ilaahayna waxay ooga baryaan in uu janadii ALLE kawaraabiyo.

Hoos waxa laga xariiqay qodobo aad u badan iyo balan qaad ah siday hal meel ooga soo wada jeedsan lahaayeen.

Kooxda Hidaha iyo dhaqanka OYSUsucuudiga carabiya waxay goobta ka qaadeen heeso iyo gabayo iyo geeraar waxaana ka mid ahaa heesaha ay qaadeyn;

Dalkeenaa abaartiyo gaajada lagu abuuriyo
Umadaa laduudsiyaan aduunyada ogaysiin
Isirkaan kadhalaniyo ogadeenia oo idil
Aas aas kanoloshiyo xornimay ujeedaan
Urur dibada meeroo uhalgama dhul koodiyo
Aayo talinta shacabkiyo oysu ayaan nahay
Eebada tigreegiyo onlf ayaan nahay adeegaha
Bulshad iyo OYSU ayaan nahay mintid midnimo iskutashi alaahu akbar alaahu akbar guul iyo gobanimo.

Shirkii ayaa waxuu ku soo dhamaaday guul iyo gobanim.

Ururka OYSU ayaa qorshe si habsami ah loo dajiyay ku bilaabay oo si is dabo joog ah loo fuliyay. Urururku wuxuu sameeyay xeer caalami ah oo Urur hoosaadyada OYSU ama faracyadu ay isticmaalaan kuna dhaqmaan iyo qorasho sanadeedkii ururka dhalinyarada oo aduunka oo dhan looga dhaqmi lahaa.

Xoghayaha warfaafinta OYSU Sucuudi Carabiya.

ONA/KSA

 
 

2 Comments

  1. abdiasis says:

    s.c.w aad baan idiinku hambalyaynayaa sida wanaagsan ee aad u soo abaabusheen shirka iyo sida aad mar walba ugu taagantihiin sida aad dhulkiinii uga dulqaadi lahaydeen dhibaatada idinkoo ilaahay kaashanaaya waadna ku guulaysanaysaan insha allaah mar dhow

  2. Geeri-gaad says:

    ACW, Haaheey.Haahey. ALLAAHU AKBAR. Huuraalaa dhexjoogoo ka heesaaya dhulkeenii, Haddaan hugunka wayniyo, isku darro hasaawaha. Hubka garabka saarroo, garabgallo Halyayyada . Hurgumada nahaysiyo huqdan qaniga dhaaftiyo, Heeryadan guumaysiga waanka hadhsan doonaa. Ogaadeeniya dhexdeedana huuraalaha haddan dirray, Hohobtaa macaaniyo, dhafaruurta malabka liyo, Gomoshaaga gaxashka ah, Hareeribaa kabuuxoo hadda Kaaluubbaa halkan uyaal, Oo uma baahna Hoo kale. Hooy\ huunayaaloow, Halyeeyada Naftaba huray war aan garab istaagnoo halganka aan udhimanno! Ama ninwalboow halkaagaas karridee waxaad heli. Hadal iyo dardaaranaa waa inoo haqabsigii Haganku uu lahaa iyo {MINTID, MIDNIMO, ISKUTASHI, GUUL, ALLAAHU AKBAR}

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay