Waxaa maanta Shir Si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay  magaalada Port Elizabeth xarunta  gobolka  Eastern Cape  (PE) Shir muhiima oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada  Ogadeniya ee Koonfur Africa. Shirkan oy  ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha  Jaaliyada Ogadeniya ee magaalada Port Elizabeth iyo nawaa xigeeda ayaa lagu furay aayado Qur’anka kariimka ah waxaana goobta ka akhriyay Sheikha Arimaha Diinta ee Jaaliyada  Ogadeniya.

Wacdi diini ah ka dib waxaa Shirka Khudbad dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee  Koonfur Africa N/tiihure C/raxman Siciid wuxuuna gudoomiyuhu ka hadlay wax qabadka Jaaliyada iyo  Xaalada  shacabka Ogadeniya uu xiligan xaaliga ah  ku sugan yahay.

Shirkan ayaa ahaa shir muhiima isla markaana  lagu gorfeeyay  Arimo  badan oo horyaalay  Jaaliyada Ogadeniya ee Koonfur Africa iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax qabadka  Jaaliyada waxaana lagu soo bandhigay barnaamij Aqoon kororsi ah iyo qodobo kale oo ku saab sanaa  qadiyada Ogadeniya & halganka ay shacabka Somalida Ogadeniya ku la jiraan gumaysiga Itoobiya  halgan kaas oo ay hogaaminayso Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya (Jwxo) isla markaana lagu doonayo in lagu xoreeyo dhamanba dhulka Somalida Ogadeniya .

Shirkan oo  ay  ka hadleen  qaar kamida xubnihii  ka sooqayb galay Shirka  ayaa la isla qaatay dhamaan qodobadii shirka looga hadlayay wuxuuna shirku u soo afjarmay jawi ay daganaansho ka muuqatay.

Xayi Yare

PortElizabeth

South Africa

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay