Wararka ka imanaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo badan oo ay N/hurayaasha CWXO gumaysiga kaga sifaynayaan ciida ogadenia dagaaladii u danbeeyay ee nasoogaadhayna waxay u dhaceen sidan.
7/7/13 Huuraale oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal kudhax maray CWXO iyo kuwa gumaysiga itoobiya waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faah-faahin lagahaynin.
8/7/13 Qorbosaar oo dagmada Dhanaan waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
8/7/13 Jugle oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 1 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
9/7/13 Jugle oo Qabridahare katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
10/7/13 Jugle oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka daalan ee gumaysiga itoobiya lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa laga dhaawacay.
12/7/13 Baka oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari tiro kalana waa lagadhaawacay.
12/7/13 Laastima cade oo dagmada Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 1 askari 1 kalana waa laga dhaawacay.
13/7/13 Huuraale oo Dhagaxbuur katirsan waxaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagadhaawacay.
13/7/13 Cidhiidhiga oo dagmada Qabridahare katirsan dagaal kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.
14/7/13 Xaraar oo Qabridahare katirsan waxaa ciidanka naf lacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 1 askari 4 kalana waa lagadhaawacay.
14/7/13 Maygaago oo dagmada Shaygoosh katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faah-faahintiisa lahaynin.
15/7/13 Gumarta oo Iimay bari katirsan dagaal culus oo ay N/hurayaasha CWXO kuqaadeen ciidanka gumaysiga oo halkaas kusugna waxaa cadawga lagaga dilay 8 askari 13 kalana waa laga dhaawacay.
18/7/13 Galgalinta oo dagmada Sagag katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
22/7/13 Galgalooli oo Qabridahare katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askartooda kamid as 2 kalana waa laga dhaawacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay