Port EliZapeth Soth Africa

28/07/2013

Qaar ka mida Odayaasha iyo Cuqaasha Ogadeniya ee Koonfur Africa  iyo Hawl wadenada Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africa oo Shirk yeeshay

Qaar ka mida Odayaasha iyo Cuqaasha Somaalida Ogadeniya ee ku nool magaalada Port Elizabeth ee xarunta gobolka Eastern Cape  iyo gudiga Fulinta  Jaaliyadda Ogadeniya ee Koonfur Africaa  ayaa Shir wada- tashi ah ku yeeshay Xafiiska Jaaliyada Ogadeniya  ee gobolka Eastern Cape gaar ahaan xaafada Uitenhage.

Shirkan  oo ay soo agaasimeen hawl-wadeenada  Jaaliyadda Ogadeniya ayaa lagu furay wacdi diini ah kadib waxaa warbixin  ku saabsanayd wadatashi iyo is baraaru jinta  bulshada Somalida  Ogadeniya ee ku nool wadanka Koonfur Africa iyo xaalada guud ee Ogadeniya  ka soo jeediyay gudoomiyaha  Jaaliyadda Ogadeniya ee South Africa N/tiihure Cabdiraxman Siciid.

Waxaa Shirka khadka Telefoonka  kagala qayb qaatay Hogaanka Arimaha bulshada iyo Abaabulka  Jabhadda Wadaniya Xoreynta Ogadeniya (JWXO ) mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane )  wuxuu Odayaashii  iyo waxgaradkii  shirka  ka sooqayb galay siiyay warbixino meelo badan taabanaayay iyo Xaalada dhabta ah ee Ogadeniya eega kajirta. Mudane Cabdi Yaasiin ayaa Sheegay in  gumaysiga Itoobiya Siyaasad, dhaqaale, iyo Ciidan ahaanba eega wiiqantay.

Dhanka kale waxaa shirka  kahadlay Odayaal iyo Cuqaal kamida Odayaashi shirka  ka soo qayb galay waxayna sheegeen in ay hiil iyo hooba la garab is taagayaan Halganka Hubaysan ee ay Jabhadda ONLF hogaaminayso isla markaana ka xunyihiin xadgudub-yada Kadhan ka ah xuquuqul insaanka ee kadhacaya dhamaan dhulka Somalida Ogadeniya waxayna intaas raaciyeen  inay Saxaafada Caalamka iyo Tan Somaaliyeed-ba u soo ban dhigayaan xad gudunyada ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ka gaystaan  dhulka  Ogadeniya.

Shirkan  ayaa ahaa Shir wadatashi iyo aqoon is waydaarsi isugu jiray isla markaana lagu baraaru jinayay Odayaasha iyo wax garadka Ogadeniya eek u dhaqan Koonfur Africa si ay door kooda kaga aadan qadiyadooda uga Ciyaaraan  waxayna dhamaan masuuliyiintii ka hadashay iyo Odayaashu  isla garteen  in ay isku xidhnaadaan islamarkaana u hiiliyaan  shacabka Somalida Ogadeniya ee Saxaafada laga xayiray

Xayi Yare

Port Elizabeth

South Africa

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay