Maalinimadi Jimcaha ayaa waxaa ka dhacay  Banaanbaxyo waaweyn iyo iska horimaadyo dhexmaray  muslimiinta Ethiopia iyo ciidamada nabadsugida Woyanaha Addis Ababa.

Banaanbaxyadan waxay ka dhaceen magaalada Addis Ababa Salaadi Jimce kadib labada masaajid ee ugu waaweyn magaalada Addis Ababa oo uu kamid yahay Masjid Anwar.

Muslimiinta oo tiro aad u badan isugu soo baxay ayaa codsanayay in Dowlada Woyanuhu soo deyso Culumada islaamka ah ee jeelasha loo taxaabtay danbi la’aan.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa iskudayay Ciidanka Poliska iyo Sirdoonka Woyanaha inay kala ceydhiyaan. Balse shacabkii sida nabadgalyada ah u mudaharadayay waxay dhagxaan kala hortageen ciidankii kasocday Woyanaha. Waxaana halkaas ay ku burburiyeen gawaadhi dowladeed iyo hanti dowladeed oo badan sida ay shaacisay saxaafada Sudan Tribune.

Taliska TPLF ee Addis Ababa ayaa ku eedeeyay muslimiinta Ethiopia inay u jeedoyin kale ka danbeeyaan oo waxyaalo kale u qorsoonyihiin. Taliska Woyanaha ayaa sheegay inay xidh xidhayaan madaxda hoggaaminaysa banaanbaxyada ka dhanka ah taliskooda. Sidoo kale warbaahinta Caalamka mar ay wax ka weydiisay Taliska Woynaha waxay inkireeen in dowlada Ethiopia wax fara galin ah ku sameysay Diinta Islaamka iyo qaabka ay muslimiinta Ethiopia isu maamulaan.

Muslimiinta Ethiopia ayaa banaanbaxyo mudo sanad ahba socday kawada guud ahaanba dalka Ethiopia. Kadib markii taliska Woyauhu isku dayay inay diinta islaamka soo faragaliyaan abuurana madhab cusub oo lagu magacabo Al Axbaash. Muslimiinta Ethiopia ayaa ah dad Sunni ah 100%. Waa markii u horeysay ee Muslimiinta Ethiopia gadoodaan iyaga oo lagu tirin jiray Muslimiinta Ethiopia dad aakhiro mooga oo iska hurda dhaq dhaqaaq siyaasi iyo midkale oo diineedba lagu aqoonin.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa shaaciyay in muslimiin badan oo kamid ahaa dadkii mudaharaadka usoo baxay Jimcahii in la xidh xidhay, waxaa kale wargeysku qoray in wasiirka isgaadhsiinta Ethiopia oo lagu magacaabo Shimalis inay raadiyeen si ay wax uga weydiiyaan sababta loo xidh xidhayo muslimiinta Ethiopia midaas oo jawaab kawaayeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay