Dhiigyacabki dhintay Malis Zenawi gabadhiisa uu ku curtay oo lagu magacaabo Semehal Meles ayaa la sheegay inay dhigatay Bangi lacag gaadhaysay $5 Billion oo Doolarka mareykanka ah, Gabadhan ayaa Bangi ku yaala Magaalada New York ku shubataysanadkii 2011. waxaana la helay cadeyntii Checkii ay ku dhigtay lacagtaas bangigaas. Arrintan Fadeexada ku ah taliska Woyanaha Ethiopia waxaa soo saaray Dr Wondimu Mokonen oo jaamacad kadhiga Wadanka Ingiriiska.

Dr Wondimu oo cadeymahan kusoo bandhigay Guriga Baarlamaanka Wadanka UK ayaa Taliska Tigreega ee Woyanaha Ethiopia ku eedeyay arrimo badan oo kamid tahay arrintan. Isaga oo sheegay in dowlad ka jirin Ethiopia balse ay kajiraan budhcad nidaamsan oo ku heshiisay inay bulshada dhacaan.

Dr Wondimu ayaa sheegay in Malis Zenawihii dhintay iyo xaaskisa ay wadanka lacagtii taalay oo dhan ay dhaceen oo gacantooda ku jirto.

Gabadha malis Zenawi ayaa ah gabadh yar oo ardeyad ah, lacagta intaas dhan halkey ka keeni kartaa ee magaceeda lagu qoray sida ka muuqda Jeega oo ay ku saxeexantahay.

Fadeexadan ayaa ah mid ceeb badan usoo jiidaysa taliska Woyanaha gaar ahaan qoyska Malis Zenawi oo horey loogu eedeynayay arrimahan.

Hoos ka daawo Filimka Dr Wondimu uu kaga hadlayo Aqalka Baarlamaanka Boqortooyada Britain.

 
 

1 Comment

  1. that’s theft culture always do that,because they don’t care who is dying and they are looters man.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay