Warqad Email ah oo wakaalada Wararka Ogadeniya kasoo gaadhay Gudaha Ogadeniya ayaa lagu sheegay xasuuq ka bilowday deegamo kamid ah gobolka Jarar. Warqadan oo aan ka helnay Masuuliyiin magacooda aan halkan ku habooneyn ayaa lagu sheegay sidan.
Waxaa maalmahan ka´socda Xasuuq aad u´daran Tuulooyin ka´tisan gobolka Jarar sida: Cobole, Higlaley, Boodhley, Sandhoore, Dhakaabaxaro iyo kuwo kale, oo dhamaantood ka tirsan degmada Dh/buur, waxaa la´iisheegay in dad kabadan 200 oo ruux, rag iyo haween isugu jira ay xeryaha ciidamada Gumaysiga ee Cobole iyo Higlaley, utaxaabeen wiigan aan kujiro, sidoo kale waxay ciidamada Gumaysigu kadhaceen dadkaas shacabka ah xoolihii ay dhaqanayeen sida Geela`iyo Adhigiiba. Dadka la haysto iyaga iyo xoolahoodii qaarbadana xoolahoodii laqashay waxaa kamid ah:
1-Muuse Xaaji Maxamed.
2.Ahmed Nuur Xuseen.
3.Nimco Xasan siciid.
4.Khadar Xasan siciid.
Wararkan oo faah faahsan ayaan dib idiinku soo gudbin doona
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay