Kalsooni Ku Xidhan Ciidan Dhibaato Badanaa! Maqaalka Waxan Ku Eegi Doonaa Xaalaada Dhabta Ah Ee Maamulka Jigjiga Iyo Ina Ilay Siduu Ku Cimri Dheereestay iyo Balan Darada Itoobiya. La Soco Waa Taxane. Waxana Kuu Diyaariyey Wariyaasha Ogadeniya Iyo Siyaasiyiin Kililka Horay madax Uga Soo Noqotay oo ku sugan Adisababa iyo meela kale.

Walow aan Waana Dhaafin Xuduuda Itoobiya iyo Ogadeniya Hadana waxan ahay Dadka Jecel Warbaahinta Iyo Lasocoshada Caalamka waxaanan Inta badan Ku mashquulaa In aan wax Ka Ogaado Xaalada Iyo Nolsha Iyo Dhaqanka Wadamada ama Caalamka Ay kunool-yahiin In aan wax ka ogaaado Habka ay Kalsoonida ku Helaan Ama Silsilada Dawladnimo Nidaamka ay Ku Dhisan Yahiin.

Inta Badan Waxaa caalamka lagu Arkaa madax Raadinaysa Codka Iyo Kalsoonida Shacabkooda, una kala Baratama Soo Jiidashada Quluubta Mujtaamacooda. Hadaba Dhaqan Ka Gadisan Ayey Leedahay Xukuumada Adis Ababa. Ogadeniya Oo ku Jirta Gacanta Ciidanka Itobiya Ayaanse Rabaa In Aan Qormadan Yar Ku soo bandhigo.

Dhismaha Maamulka Jigjiga Iyadoo In badani Lasocodaan xaalada Dhabta ah Ee Jirta Ayaan Jecelahay In aan Dib idiin Xasuusiyo Maamulka Maqaarsaarka Ah Mesha Uu Marayo Iyo Hardanka Ka Jira DhaxdDooda iyo Sidookale Bahdilka Yaala Wadanka.

Cabdi Ilay Waa Shaqsigii Ugu badnaa Inta Uu Xilka Hayey

Cabdi Ilay Waa Shaqsigii Ugu badnaa Inta Uu Xilka Hayey Ilaa Maalintii Uu Qabatay Xilka Ilaa manta oo shan sano laga joogo Wuxuu Xiliga Ku Dheereysanayey Xasuuqa Shacabka Ogadeniya wuxuuna Dagaalka  Kula Jiraaa Ina Ilay Xubnaha soo socda;

1 Jabhada ONLF iyo Taageereyaasheeda

2 Aqoon Yahanada Gobolka iyo Qeybo Kamid Ah Dabaqoodhiga

3 Odayaasha Macquulka ah Iyo Culumada Saxda Ah Ee Gobolka

4 Dawlada Itoobiya Ama Xukuumada Adis Abab Qeybo Kamid Ah

5 Qooska Ama Qabiilka Ogaden Ee Ubadan Gobolka Somalida Ogadeniya. Hadaan mid walba siduu u yahay u shaandheeyo;

Qodobka 1aad-Jabhada ONLF iyo Taageereyaasheeda

ONLF iyo Tageerayaashooda Waa Qolada Kaliya Ee Uu U arko In Akhirka ay Ciqaabi Donaan Ama Cadaalada Horkeeni Doonaan, wuxuna Ula Dagaalamaa Sida Asaga Oo La Dhahay Cimrigaaga Ayaa Ku Xidhan, wuxuna aamin San Yahay Hadii Wadanku Xoroobo ama Awooda Kililka ay Qabtaan In Qiyaamahiisii La Gaadhay. Waxaa laga sheegaa inuu Kolol Ku Kaftamo Nin Yahoow Hadii Wadanku Xoroobo Ma Laga Yabaa In Ay  nacafiyaan Ileen Wax Badan Ayaan dalka u Qabatay Oo Xuduudaha Ayaan Sii Ilaalinayee? markaa Ayuu isu jawabaa oo dhahaaMaya Anaaba Og Wayi karin Lahayeen.

Qodobka2aad Aqoon Yahanada Gobolka iyo Qeybo Kamid Ah Dabaqoodhiga

Abdi mahamud Omar (C.Ilay) Wuxuu Si Aan Gabasho Lahayan Ula Dagaalamay Cid Kasta Oo Uu Uga Shakiyo Inuu Hun-Guri Ka Hayo Xilka ama Awooda Maqaar Saarka Ah Ee Kililka Wuxuna Ula Dagaalama Nooc Aad U adag Oo Aan Ka Liidan ama Kadaran Sida Uu ONLF Ula Dagalamo,

1 wuxu kala Dagalaa Xilka inuu qabto Ruuxaa Ama Shaqada Uu Hayo ayuuba Ka Qaadaa.

2 Hantida Ama Dhaqaalaha oo uu Ka Burburiyo Si Ruuxu U jilco Una Tabar Gabo

3 Reerkoooda Ama Jifada Uu Ka soo-jeedo Oo  Uu Ka Horkeeno

4 Inta Badan Xabsi Dheer Oo Uu Kurido

Tusaale wuxuu La Dagaalamaa Dhamaan Qabiilka Markay Cawdaana wuxu Dhahaa wax Walba waxaa haysta ama Idinka Hortaagan Hebel Iyo Hebel Ee ma waxaad sheegaysaan In Aad La Mooqaf Tahiin, kuwaa  Kuna Farax Santahiin Falalka Mucaarad Ee Ay Kujiraan. Qabiilkaasi Waxay Ku Qasban Yahiin In Ay Fogeeyaan Ninkaa Sababtoo Ah Haday KU Dhagaan Reerkaasi Dhamaan Waxay Ka Baxayaan Saaxada Siyaasada, Dhaqaalaha Iyo Talada Heer Deegaan Gobol Ilaa Dagmo. Wuxuu Kaloo Kala Dagaalamaa Dawalada Fadaral Ka Adis abab Asagoo Gadsiiya in Nimankaasi Yahiin mucaarad Xidhiidh Laleh ONLF

Tusaale waxaa Loo Soo qadan Karaa Ragaa Sidaa kaga Baxay Saxada Siyaasada?

1 da ud  Mahamed Ali madaxweynihii Kililka Ee Hore

2 Abdulaahi Hassan Lugbur Madaxweyne Hore Kililka

3 Qadar Macalin Ali Madaxweyne Hore Kililka

4 Jamiil Muhumed Gaas Hogaan Nabadgaliyo Ee Hore

5 Dr Ahmed Sheikh Wasiirkii Cilmi Baadhista

6 Ibraahim Xaaad

Ragan Oo Aanan Soo Koobi Karin, magacyadooda Oo kala Ah Siyaasiyiin, Aqoon’Yahano, Ganacsato Dhaman waxay U Xiirtan Caruurtooda In Tooda Badana Waxay Ku Dhuumaalaystaan Galbeedka Kore sida Magaalooyinka Adis Ababa, Nasireed, Shashabene, Diridhabo Harar IWM, Qaar Kale Oo Badana Waxayba Ka Buuxan Xabsiyada waxayna Ka Ciqaab Kulul Yahiin ONLF ta MaXabiista Ah. Xubinka ama masuulka ONLF Markii La Ciqaabo Haduu Balan Qaado In uu Kamid noqonayo Ciidamada Luyupolicka SHuruudo Badan Kadib Qaar Badan Ayaa La Siidayaa Laakin Kuwan siidayn Toodu waxay Ku Xidhan Tahay Xil Ka Tagista Ina Ilay. Qaar Ayaa Laga SOO Xigtay In Odayashoodu U sheegeen In ayna Ka dhalan Qabiilka ama Garacayo Ahaayeen Waxana Lagu Raali Galinayaa Abdi UBBO.

Qodobka 3aad Odayaasha Macquul Galka ahaa Iyo Culumada Saxda Ah Ee Gobolka Way Kala Miir Meen waxaana Kala Reebay Xiliga Kulul Ee Aad Moodo Dijaal Cawarkii Sameen Aakhirka’

Odayaasha Ogadeniya Ee La Yaqaanay Ee Caanka Ahaa Ee Ka Hadli Jiray shirarka Iyo Fagara Yaasha Waxay Uqaybsameen 2Labo Qaybood Qaarkood Sharftii Iyo Cisigii Odaynimo Way Lumiyeen Waxayna Ka Doorteen In Naftooda Bad Baadiyiin Biilkoodana Helaan Wixii La Dhahana Yeelaan. Qabtii Ugu Cad Cadaa Ama Ugu Raganimada Badnaa waxaa Laga Dhigay Qaybta Ugu Doqonsan, Waxana Loo Yaqana Wadha Gabi, Hormar Diiid, ONLF-ta Gudaha Ee Tabarta Daran. Iwm kamana Soo Qayb Galaan Shirarka Hadaan Lagu Qasbin. Waxayna La Kulmaan xidhay, Cadaadis, Hanjabaad. Culimadii Ogadeniya ayaa sidaas ah iyaguna.

4- Dawlada Itoobiya Ama Xukuumada Adis Abab Qeybo Kamid Ah Ayaa Qaba In maamulka Kililka Is Badal Baladhan Lagu sameeyo, waxayna U Qaybsan tahay 2qaybood;

1 Ciidamada Oo Ayagu Cuna Hantida Ugu Badan Ee Kililka Ayaa Iyagu Difaac Adag U galay In Abdi Ubbo Loo Daayo Talada Gobolka Wuxuu Dooni Ha Rogee. Waxayna Tusaale Usoo Qataan Ama Ku Khuukhiyaan In nin kale Oo Lamid Ah laga Helayn Gobolka, ONLF na Mar Hore Qabsan Laheed Wadanka, Ciidamadii Itoobiyna Wada Goosan Lahayeen. Marka Inta Taasi Dhici laheed Ha Loodaayo”.

Qaybaha Siyaasada Adis abab ayaa U arka in meeshan Folkane Ka Qarxi doono cabudhinta shacabkuna dhibaato Keesan doonto, Sumcad Daro Lixaad Lana Uga Imaan doonto Besha Caalamka.

Cabdi Ilay Ayaa Marti Qaad Kala Shukaasi Ah Lagala Xukuumada Adis Ababa wuxuna Ku Andacoodaa In ONLF Haysatay Wadanka shacabkuna Ogolayn Dawlada Hadii Laga Qaadana In Xukuumadu isu badali Doonto Xukuumad Kilil Oo dhamaan ONLF ah Miisaaniyada Gobolkuna Gacanta Ugali doonto.

Qodobka aad5 Qooska Ama Qabiilka Ogaden Ee Ubadan Gobolka Somalida Ogadeniya Ayaa Iyagu Ah midka xasuuqa Lixaadka Leh Ku socodo, wuxuna aaminsan yahay in ay ka qadi kursiga, Halka Beelaha Kale Una Shaki Badan Ka Qabin . Abdi Ilay Ayaa reerka Uu Ka Dhashay Ulaaya Jidad Fara Badan wuxuna macaash ama sumcad U arkaa In uu laayo wuxuna magaca kagag raadiyaa Xukumada Adis ababa In Uu Tuso Sida Uu U laayey reerkiisa Si Loo Aamino Hadaba siduu Ulayaa?

1- Qaar wuxuu  u layaa Waa ONLF inta badan waloow u dhimashada magaca ONLF Qabiilada Kalaba Loogu laayo laakin 90% Da’daka loolaayo waa Iyaga.

2- Qabiilada Xududaha Oo Intay layaan Ciidamadisu Uu Dhaho waxaan Iidiin Ilaalinayaa Wadanka Si Qabiilkaasi U cadhoodaan utun Iyo Colaadna Ugu qadaan qabiilka Ogaden Isagana looga mashquulo

3- Ogadenka dhaxdiisa Oo Uu qaar ku dhaho waxay Inoo quudhi Layahiin Kursiga aan haysto ama reer hebel ayaa Ina yasaaya.

4- jihayn Uu isku dayo in Uu Aragtida iyo yoolka Iska sii Jeediyo Sida Abuurid Colaado Beeleed sida hada Buuqa Ka taagan Qabiilka Jidwaaq Absame

Maamulka Abdi Ilay Ma Damiir Daro? mise Dulqaad?

Maamulka Abdi Ilay Ayaa wuxuu Wasiiro Ka dhigtay Shaqsiyaad aad U Maskax Yar Da’dooduuna (Age) Yar tahay oo markii Mid wasiir Laga dhigo isu arka in Uu Janadii Tagay Kuna Fikira in suu usii haysto Nooc walba U raali Galiya Abdi Ilay

Waxaa Xasuus Mudan In Cabdi ilay Golahiisa Wasiirada Uu Garaaco Sida laga soo Xigtay Qarkood Abdulahi Yusuf Wareera ayaa Noqoday midka ugu Dulqaadka badan ama ugu Damiir Xun Marka Uu Garacayo Abdi Ilay wuu Qoslaa Halka Raga Kale Nuuq Nuuqsadaan ama Jidhka isgaliyaan cadho laga yara Dareemo.

Caafimaad Daro Haysa Abdi Ilay

siduu U Bakhtiyey KT Itoobiya Male Zanwi waxaa La soo Darsay Caafimaad xumo Iyo Adkaysi yaraan. Waaxana lashegay in maskaxda laga hayo Loogana Digay Khamrada Iyo Jadka. Sargaal Ka shaqeya Xafiiska Cabdi Ubbo Ayaa Asagoo Mirqasan laga soo Xigtay In Abdi Ilay Leyahay Dagaal Iyo Xanaaq Joogta Ah oo Ka Badan Midkii uu Horay Ulahaa. Sidoo kale Uu leyahay Jidh Ura Kolkuu dhidido, waxaa intaa Udher Sas Habenkii haduu seexedo U qeylo badan Leyahay,. Sargaalka ayaa sheegay In Dakhtar Caan Ah Dhoor Jeer Uga Imaaday Wadanka Bilgamka Laakin Aan Loo sheegin Xanuunka Haya Ina Ilay Lagana Qariyey mana sheegi karo ayuu sii raaciyey Xunuunka Waxa Laga Helay Asaga Oo Ku cataabaya In Geesigii Loohayo sidii males

Lasoco Qormooyin Xaqiiqda Ku Tagaan Xaalada ogadeniya

ogadeniya Ma Qiyaamihii Iyo Dijaal Cawarkii Ayaa Loo-soo Hormariyey!

Noora Afgaab ONA Addis ababa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay