Waxaa shir aad muhiim u ah isugu yimid xubnaha iyo maamulka jaaliyada  magaaladaEdmonton  ee dalkaCanada,shirka oo marti ay ku ahaayeen madax sare oo  kamid ah Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya sida DR xoriyo, Maxamed  Macalin iyo isuduwaha jaaliyadahaCanadamudane Yuusuf Ismaaciil.

Waxaa shirka lagu furay ayaadaha quraanka kariimka ah oo uu ka akhriyay Sh. C/Xakiim M. Wali. Ka dib Gudoomiyaha jaaliyadaEdmonton halgame Ismaaciil C/ laahi ayaa ka warbixiyey ujeedada shirka, wuxuuna  ku  tilmaamay inuu yahay mid abaabul iyo kala warqaadasho ku saabasan geedi socodka halganka iyo doorka  ay ku leedahay jaaliyadaEdmonton.

Isuduwaha jaaliyadahaCanada halgame Yuusuf Ismaaciil ayaa hadal kooban kasoo jeediyey isagoo ka hadalay  doorka jaaliyadahaCanadalooga baahanyahay in ay ka qaataan halganka socda oy awood iyo waqti geliyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dhinaca abaabulka iyo kasbashada shacabka Soomaalida Ogadenya ee dagan dhamaan gobolada dalkaCanada.

Intaa ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey DR Xoriyo oo mahad balaadhan u soo jeedisay jaaliyada magaalada Edmonton sida wanaagsan ee ururnimada ah ay u abaabulantahay diyaarkana ugu yihiin in ay ugu shaqeeyaan halgankooda. Sidoo kale waxay carabka ku dhufatay sidii wanaagsanayd ay jaaliyada Edmonton gaashaanka ugu dhuftay kalana hortagtay mudaharaadkii ay ku diidanaayeen ee soo jiitay saxafada Canada oo dhan oy saraakiishii ka socotay maxaysatada gumaystaha Ethiopia kaga hortageen, halkaana guul  ay kala soo hoydeen jaaliayadu. Waxay kaloo ka war bixisay halka maanta uu marayo halganku iyo waxa la inooga baahanyahay. Waxaa kaloo hadalka qaatay  madaxa hogaanka abaabulka iyo arimaha bulshada ee jaaliyada Edmonton mudane Maxamed Shaqlane wuxuuna ka hadlay Sakaatul-fidrigii  iyo sidii bishan barakaysan ee Ramadaan  looga farxin lahaa agoonteena, buktadeena iyo baahanaheena ku sugan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Keenya, isagoo ku soo gabgabeeyey in xubin walba looga baahanyahay in uu masuuliyadaa ina saaran sida ay tahay uga soo baxo.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul.

ONA/edmonton Canada

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay