Wararka nagasoo gaadhaya wadanka ogadeniya gaar ahaa xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo badan oo lagu jabiyay ciidanka gumaysiga Ethiopia howlgaladii ugu danbeeyayna waxay udhaceen sidan.
13/7/13 dagmada Garbo oo gobolka Nogob katirsan iyo Garboyayley oo dagmada Gunagado katirsan dagaalo kudhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfhinta ONA soo gaadhin wali.
17/7/13 Idahela oo dagmada Dhuxun katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
18/7/13 Karinbarkhadle oo dagmada Sagag katirsan gaadhi uu gumaysigu lahaa oo halkaas kugadoomay waxaa halkaas kubakhtiyay 4 askari.
18/7/13 Dharsoor oo gobolka Jarar katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.
18/7/13 Godkhayr iyo Godokhole oo gobolka Nogob katirsan waxaa dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 8 askari 2 kalana waa lagadhaawacay.
20/7/13 dagmada Xamaro iyo Waata oo gobolka Nogob kawada tirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.
20/7/13 Ceelo’obo oo dagmada Galaalshe katirsan iyo Heedaan oo dagmada Dhagaxmadow katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa laga dhaawacay.
23-24-25/7/13 Qudhacqalooc iyo Bali’iriir oo dagmada Gunagado kawada tirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA soo gaadhin wali.
26/7/13 Wadajiir oo Fiiq katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
26/7/13 Walaansi oo dagmada Fiiq katirsan  iyo Dalimaad oo dagmada Garbo katirsan weeraro ay CWXO kuqaadeen ciidan uugumaysigu leeyahay oo goobahaas kusugna waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 8 askari 10 kalana waa lagaga dhaawacay hub iyo saanad kalana waa lagaga furtay.
28/7/13 cirofeedh oo dagmada Qabridahare katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA soo gaadhin.
28/7/13 Duudeeriile oo Garigo’an katirsan weerar culus oo ay CWXO kuqaadeen kuwa gumaysiga oo halkaas marayay waxaana ciidanka cadawga lagaga dilay inta lahubo 5 askari uu kujiro taliyahoodii oo Xayi lagu magacaabo 8 kalana waa laga dhaawacay.
28/7/13 Shiniile oo Qabridahare katirsan waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa ONA soo gaadhin.
28/7/13 Cadalay oo Qabridahare katirsan waxay CWXO kugubeen 1 baabuur oo kuwa gumaysigu adeegsada ah waxaana kubasbeelay baabuurkii iyo wixiisaaraaba.

ONA kalsoco Wararka Dhacdooyinka Gudaha Ogadeniya.
ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay