Wararka nagasoo gaadhaya wadanka ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ugaysteen dadka shacabka ah ee s.ogadenia ee aan waxba galabsanin tacadiyadii ugu danbeeyay waxay u dhaceen sidan.
15/7/13 Ceelqod oo dagmada Gunagado katirsan waxay ciidamada bahalka ah ee gumaysigu ku dileen Allaha unaxariistee ninka lagu magacaabi jiray Nuur Cismaan Macalin Maxamuud.
18/7/13 Galgalinta oo dagmada Sagag katirsan waxay ciidanka dulmiga kucaanbaxay ee gumaysiga Itoobiya ku dileen ninka lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Axmad Aadan Faruur.
20/7/13 dagmada Shilaabo waxay ciidanka gumaysigu kuxidhxidheen dadka kala ah
1 Xibil Cabdi Gaab
2 Qorax Aadan Nuux
3 Abshir C/lahi
4 Deeq Xassan Wali
5 Daahir Maxamad Canshuur
6 Hure saleebaan Dhinbil
7 C/risaaq Sh Ibraahin
8 Ardo Cabdi Cumar Dheere
9 Cagoole Cabdi Cumar Dheere oo 1 Qori ay kadhaceen
10 Kaaba C/salaan Maxamad
11 Siciid Aadan Muxumad
12 Cali Daahir Qowdhan
20/7/13 Nusdariiq oo Qabridahare katirsan waxay ciidamada nacabku ku dilee Allaha unaxariistee Xassan Maxamad Cumar Digaale
28/7/13 Dhuure oo Qabridahare katirsan waxay ciidanka wayaanuhu kufsi iyo xidhay isugu dareen gabadha lagu magacaabo Diib Cumar Askar.
29/7/13 Dagmada Dhanaan waxay ciidamada naxariista daran ee gumaysigu gaadhi kumariyeen wiil 8 jir ah oo lagu magacaabi jiray Muumin Daahir Colaad.
29/7/13 Caado waxay ciidamada gumaysigu xidhay, dhac iyo jidhdil isugu dareen dadka kala ah
1 Salin Maxamuud Dacay
2 Aamina Axmad Nuur Dacay
3 Wali Maxamuud Dacay.
Waafdhuug oo gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidheen
1 Xamdi Macalin Ibraahin
2 C/nuur Cumar Goglaale.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay