Wararka nagasoo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaa xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo kulul oo ay N/hurayaasha jiida hore ee CWXO lagaleen ciidamada saama laluudka ah ee gumaysiga Itoobiya oo ciidanka gumaysiga lagu wiiqay dagaaladaasuna waxay u dhaceen sidan.
20/7/13 deegaanada Qaydarkabada iyo Beeralay oo tuulada Nusdariiq ee Gobolka Qoraxay katirsan dagaalo kadhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 4 kalana waa laga dhaawacay.
21/7/13 Qaydarkabada oo Nusdariiq katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa laga dhaawacay.
22/7/13 Maygaago oo Sheygoosh katirsan dagaal kudhax maray CWXO iyo kuwa gumaysiga waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 6 kalana waa laga dhaawacay.
25/7/13 Maygaago oo Shaygoosh udhaw waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa lahaynin.
28/7/13 tuulooyinka Uu’uule iyo Tuulocukur oo Nusdariiq kawada tirsan waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 3 kalana waa lagadhaawacay.
30/7/13 Goorotooro iyo Adhicadayowga oo  Dagmada Garbo kawada tirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta la ogyahay 7 askari 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
30/7/13 Leedilay oo Dhagaxbuur udhaw waxaa ciidanka cadawga loogugaystay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
31/7/13 Burqayar oo Dagmada Dhanaan katirsan waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 13 askari 20 kalana waa lagaga dhaawacay hub iyo saanad kalana waa lagaga furtay.
31/7/13 Xaaray oo Dhuxun udhaw iyo Garawo oo dhagaxbuur udhaw dagaalo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin lagahaynin.
31/7/13 Caado oo Gobolka Doollo katirsan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 1 askari oo maalin cad lagu dhafooriyay tuulada caado.
2/8/13 Hareeriwaayeel oo Qamuuda udhaw iyo Buuxisada oo dagmada Fiiq katirsan waxaa ciidanka gumaysiga loogu gaystay  khasaare xoogan oo Woyanaha lagu jabiyay.
3/8/13 Xidinxiitolay oo Dhagaxbuur udhaw iyo Yaxoob oo Sagag katirsan dagaalo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahin ONA soogaadhin.
3/8/13 Dabshiid oo Dagmada Sagag udhaw waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay