Ethiopia main interest is having a weak and Ethiopian dependent
administration in Somalia to avoid ONLF [Ogaden National Liberation
Front] safe heaven and to weaken a mentality of greater Somalia.
Ethiopia present itself as a peacemaker but supporting multiple groups
inside the TFG .

Wikileask ayaa soo daawacay Sirobadan oo ku saabsan Taliska Woyanaha Ethiopia oo ku saabsan Cabsida ay ka qabaan ONLF.

Gumeysiga Woyanaha ee ka taliya Ethiopia ayaa cabsi badan ka qaba Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya. Jabhada ONLF ayaa shanti sanno ee lasoo dhaafay waxay gumeysiga Woynaha wada galeen daggaalo aad u xoog badan iyaga oo la isku hardiyay dhulka Ogadeniya, daggaalkan ayaa Ciidamada Woyanaha Ethiopia lagu jabiyay iyaga oo dib ugu noqday xeryihii ay fadhiisimaha ku lahaayeen bilaabayna inay ciidan Somali ah Qortaan.

Taliska Woyanaha ayaa arkay xooga ciidanka Qalabka Sida ee Jabhada ONLF, Ciidankan oo wax taagero ah ka heysan wadamo kale oo uu ku tiirsan kaliya awooda shacabka somalida Ogadeniya. Hadaba Woyanaha ayaa si fiican u og hadii ay jabhada ONLF hesho dowlad xor ah oo cadaalad ah oo ka dhalata Somalia inay taageri doonto walaalaha Somaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiinba.

Woyanaha Taliska Ethiopia ayaa 20 sanno ee lasoo dhaafay ka talin jiray siyaasada Gobolada Jamuuhuriyada Somalia, waxa uuna halkaas ka sameystay sirdoonkiisa iyo Ciidamo fadhiisimo ku leh gobolada waqooyi, Koonfur iyo puntland kuwaas oo danta koowaad ee halkaas u joogaan tahay sidii ay Jabhada ONLF uga illaalin lahaayeen inay saameyn ku yeelato Somalida Xorta aheyd balse dowlad la’aanta ah.

Ethiopia main interest is having a weak and Ethiopian dependent administration in Somalia to avoid ONLF [Ogaden National Liberation Front] safe heaven and to weaken a mentality of greater Somalia. Ethiopia present itself as a peacemaker but supporting multiple groups inside the TFG .

Mareegta Wiki leaks ayaa shaacisay warbixin xasaasi ah oo sheegaysa in Taliska Ethiopia uusan marna ogoleyn in Somalia ka dhalato Dowlad awood badan oo xor ah, Waxa ay ku dadaalayaan sidii ay Dowlad Kasta oo ka dhalata Somalia ugu hoos jiri laheyd gacanta Ethiopia. Midaas oo sida Muuqata ay Taliska Woyanaha Ethiopia ku guuleysteen. Taliska Ethiopia waxa uu somalia kusoo gala isaga oo ku dhuumanaya in ay danaha somalia ka shaqeynayaan oo dibu heshiisiinta ka qeyb qaadanayaan markaasna soo galiya ciidankooda iyo sirdoonkoodaba Gudaha Somalia.

Madaxweyne kasta oo Somalia loo doortay waxa uu markiiba ka dagay Caasimada Addis Ababa isaga oo halkaas kasoo qaata Buugi iyo sharcigii uu ku maamuli lahaa ummada Somaliyeed, Ninkasta oo loo doorto maamul goboleedyada Somaliya waxa uu ka daga Caasimada Addis Ababa isaga oo halkaas taagero ka xoog badan mida Dowlada kasoo hela, siyaasi kasta oo Somaliyeed waa innuu marka koowaad oggolaansho ka heysto Taliska Woyanaha hadii kale waxa uu rabo ka socon maayo Jamuhuriyada Somalia.

Hadaba Wikileaks ayaa shaaciyay in sababta ka danbeysa in Dowlad awood leh ka dhalan weydo Somalia inay tahay ethiopia oo ka cabsi qabta inay soo noolaato Qadiyada Somalia weyn Jabhada ONLF oo awooda ugu xooga badan ku leh Geeska Afrikana ay hesho xarumo ay kaga soo duusho taliska Ethiopia.

Mareegta Wikileaks ayaa sheegtay in Taliska Woyanaha Ethiopia daggaal siyaasadeed kuwada jiraan wadamada Carabta oo ugu horeeyaan Qadar iyo Sacuudiga Sidoo kale Wadanka Iran iyo Turkey oo bilaabay inay si toos ah u taageraan Jamuhuriyada Somalia.

The recent Iranian and Saudi FMs visit seen by Ethiopia as the interest of expanding Islam and ejecting Ethiopia from Somalia politics and to regain a space there.

Ethiopia ayaa kawalbahaar qabta in xoogagan Carbeed iyo Islaamku siiyaan wadanka Somalia Awood ay kaga madax banaanaadaan Taliska Woyanaha ee Ethiopia. Ethiopia ayaa markaas mareegtada wararka sirta ah la isugu gudbiyo ku sheegtay in wadanka Somalia wadamadan Islaamka ahi ka wadaan arrimo Diimeed oo lagu kicinayo xoogag muslimiin ah.

Gumeysiga Woyanaha Cabsida ay ka qabaan shacabka Somalida Ogadeniya kacdoonka ay ugu jiraan inay aayahooda kaga tashadaan waxa uu saameyn weyn ku keenay guud ahaanba wadanka Ethiopia oo hada gilgilanaya kadib markii shucuubta ku hoos nool gumeysiga Woyanaha Ethiopia ay dhiidhiyeen kacdoon xoogana ka bilaabeen wadanka Ethiopia.

Guul iyo Gobanimo

Wariyaha ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay