Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Guddiga Fulinta JWXO, G/Dhexe ee JWXO iyo dhamaan Xubanah JWXO waxaan halkan uga hambalyaynayaa umadda Somaliyeed ee Ogadenya iyo guud ahaan umadda Islaamka ah ee caalamka ku nool. Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa Naftood-Hurayaasha CWXO, Xubnaha JWXO, iyo Taageerayaasha halganka. Waxaa noo soo dhamaaday Bishii Barakaysanyd ee Ramaadaan, Waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu naga aqbalo acmaashii kala duwanaa ee bisha Ramadaan .. Soonkii, Qiyaamkii iyo Sadaqadii. Aamiin.

Walalayaal; waxaan ku jirnaa halgan aan ku doonayno in aan kaga baxno heeryada Gumaysiga oon shucuubta caalamka ee xorta ah kula sinaano. Halgan Gobanimadoon wuxuu u baahan yahay adkaysi iyo in loo sabro wadada dheer ee loo maro xoriyadda. Waxaan ka soo gudubnay marxalado muhiim ah iyo malkooyin ay lagama maarmaan tahay inay ka gudbaan shacabkii doonaya inuu gumaysi ka xoroobo. Wuxuu maanta caalamka aqoonsaday in shacabka Ogadenya uu ka mid yahay shucuubta dulman ee Xaqqa u leh inay aayahooda ka tashadaan.

Gumaysiga Itobiya markay aragtay in shacabka S.Ogadenya aanay ku cabadhin karin ciidanka Itobiya ee rasmiga ah, ayay u adeegsatay dhalinyaro ay ku qasbeen inay dadka shacabka ah soo laayaan sida ay ku warbixiyeen kuwii ka soo baxsaday ood ku maqasheen wareysiyadii ay bixiyeen.

Waxaan diyaar u nahay in aan anagoo xor ah ka qayb qaadano wada-noolaashaha iyo iskaashiga muhiimka ee ka dhexeyn kara shucuubta Geeska Afrika. Waxaan ka codsanaynaa dhamaan dawladaha caalamka ee Xoriyadda jecel, gaar ahaan Dawladaha iyo Shucuubta Geeska Afrika inay nugu taageeraan sidii nabadgalyo waarta oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan iyo is-ixtiraam loogu soo dabaali lahaa gobolka Geeska Afrika oo muddo Qarni ah ku soo jiray Xasilooni Darro iyo dagaalo joogta ah oy kumanaan qof ay ku naf wayeen.

Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Itobiya inay ka waantowdo taariikhda mugdiga ah ee ku dhisan dilka iyo cadaadiska shacuubta oy si niyasami ah ay nagala qaybqaadato sidii loo gaadhi lahaa in dhamaan shacuubta Geeska Afrika ay ugu wada noolaan lahaayeen Iskaashi iyo Wax Wada-qabsi ku dhisan Cadaalad, Sinaan iyo Xoriyad.

Waxaan Ilaahay inooga baryayaa inoo naga dul qaado heeryada Gumaysiga. Aamiin.

Ciid-wanaagsan. Kullu Caamin Wa-Antum Bikhayr.

Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

Adm. Maxamad Cumar Cismaan.

        

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay