Waxaa 01 July 2011 abaarihii 5:00 galabnimo ka soo dagay gagida diyaaradaha ee magaalooyinka Mataanaha ah (Minneapolis/St. Paul International Airport) Hogaanka arimaha dibada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Mudane Cabdiraxman Sheikh Mahdi (Madey).Jaliyada Somalida Ogadenya ayaa garoonka si heersara ah ugu so dhaweeyay mudane Cabdiraxman.

Umuuraha la xidhiidha socdaalka Mudane Cabdiraxman Madey ayaa marka laga yimaado hawlihiisa u gaarka ah ee xagga diblomaasiyadda waxaa qayb ka ah kormeer guud oo uu mudanuhu ku marayo Jaaliyadaha Somalida Ogadenya ee qaarada Waqooyiga America.

Mudane Cabdiraxman ayaa socdaalkiisa waxaa uu ka soo bilaabay gobolka California halkaasi oo uu magalada San Diego kulamo badan kula yeeshay qaybaha kala duwan ee jaaliyada Somalida Ogadenya iyo walaalaha Somaliyeed ee ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu mudanuhu shiraar waawayn ku qabto magaalooyinka Matanaha ah (Minneapolis iyo St. Paul).

Macluumadka ku saabsan shirarka dib ayaan idiinka soo tabin doonaa lasocod wacan oo wanagsan.

Mohamed Darbawayne,
Minneapolis, MN.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay