Gabaygan hoose waxa uu nagasoo gaadhay Halgame Cali Yare oo kusugan Wadamada Carabta, Halgamuhu waxa uu gabaygan fikirkiisa ku cabiraya Ciidamada Woyanaha ee dhumaaleysiga ku jira iyo kuwa liita ee hawaarinta loo yaqaano.

“HAWAARINTA LAAYA”

Huuraale tigreegu

Wuxuu isu haystey

Heerkuu isla joogay

Hankuu is bidaayey

Wuxuu  hindisaayey

amuu hamiyaayey

inuu hadafkiisu

dhib yari hirgalaayo

wuxuu ku hadaaqay

habeen iyo maalin

hurdada qaban waayey

Miyuu ku hungoobay

 

Wixii horin ciidan

Hawaas lagakeeney

Halooyiyo dhuure

Gantaal hoganaayey

miyaa lagu heesay

 

Raggii hebel sheegtay

intuu hanfariiree

Huluulaha seexday

 

Hinraaga rasaasta

boobaha hanqadhkiisa

Haraatida JWXO

miyuu holin waydayey

 

Hogaaminta toosan

Jihaadkan hulaaqi

Barbaarta u heelan

miyuu hakin waayey

 

Kobtay u hoydaanba

Markii la hujuumay

Guutooyin habaysan

intii lagu heegay

tasfaafiyo hayle

intii  la halaagay

Tukuhu ka hiraaban

 

Hadhaagii ka fiigay

Inay hangarkeeda

Hogeeda ku xaarto

Miyey huriwayday

 

Markii hiirta waaga

Hawsarku ka dul yeedhay

Gumaca holaciisa

Dhamaan ku hafteene

Intuu hirku qaaday

Difaac hadi weyday

Miyaa hugunkooda

Hayaaydiyo buuqa

Habarro wacadkooda

Haanoy laga yaabay.

 

Huuraale Tigreegu

Hawshay kariwayday

Dhibkay ka huleeshay

Hadhkoo cad ka yaacday

Caruuro habow ah

Horwayn laga keenay

Badhkood hano qaadin

Inay ku halayso

Hogaanka u dhiibto

Hooskooda ku dhuunto

Siddii hayin awra

Horwaynka ku qooqan

Dabada ka hudayso

miyey hibo mooday

 

jaajuuskan  haleebay

Daroogada hoorsan

Huuhaada run mooday

Naftooda hafraaaya

Intay is hor qaaday

Inay wax hagaajin

Haddoodda ka baajin

miyey ku hawootey

 

Naftii hoyan wayday

Cabsidu hanaq goysay

Ku huurtay dhufaysayka

Si aan u hujuunto

Hootada ula gaadho

Hangooladan baasee

Halgaada ka weecin

Warmaha ku harjaasa

 

Habaar qabayaasha

Kufaarta hagaaya

Hadhuudhka la siiyee

Hanbada ku adeega

Higira yaridooda

raggaa hablahooda

Banaanka ku haysta

Waxay ugu hiiline

kuwaa hadi waayeyiyo

Hawaarinta laaya

Halbowlaha gooya

Hadhaawiyo doolo

Higlolayiyo caado

Habeen kaga saara

 

Wuxuu horu geystay

Ninkii ka hanuuna

Intuu cafis haybsho

Illaah hadiyeeyo

Wuxuu hinif gaystay

Agoon halakeeyey

Hoyooyin wareemay

Ha loo hadiyeeyo

 

Humaagiyo beenta

Kuwaa daba haadi

Adoo la hadlaa

Kuwaa hanqal taagi

Hawraarta wanaagsan

Kuwaa ka hataara

Majuus holoq dheerle

Hanjafka laga goynin

Bakhtiga hanbanaaya

Kuwii u hiloobee

Huwanta naga raaca

Hal yaan laga reebin

 

Hawaarinta maanta

Hadaan la hagaasin

In badan hadalkooda

Hadaan la halmaamin

Waxay hanta boobtay

Hadaanay hunqaacin

Hundiyo laga waayin

Hareeri calaanyo

Halkii lagu sheego

Hadaan lagu haadin

Horseedyada JWXO

Haweenku ugaadhsan

Siddii hohobteena

Shacabku halaloobin

dabeed la harjaafin

Dhiigooda la hoorsan

 

Qaar hootadu jiidhin

dabeed  hilibkooda

Dugaagu ka haagin

 

Badh hawdka u yaacin

Dagaal holing waayin

Dabeed habqankoodu

Hargaysa ka dhoofin

 

Badh hoosta ka dhuuman

Garaysyo hulaabano

U heerimin saylac

 

Badh huudhi ku dhoofin

U haajirin ruushka

haytoodba la waayin

 

Inaan hadafkeenu

Marnaba Hirgalaynin

Hubaal dhaba weeye

 

Heensaysata gammaanka

Afjeexa hogaysan

Ku huursan docdiina

Habaaska ka duusha

Hubkiina cabaysta

Wayaanaha heera

Hibeeya naftiina

Xarbiga u hilooba

Adoon hagranaynin

Hantida ku yabooha

 

Dadkiina u hiisha

Haweenkan barooran

Dhalaanka hab waayey

Duqaydan habsowday

Heeryada ka dulqaada

 

 

Hurdada ka istaaga

Hosiiska daruurta

Intaad hadhac moodi

Habaaskiyo boodhka

qayrkeen hayaamee

Haldhaagu ka guurey

Intaan hoganayno

Danteenii halowday

 

Hayaankiyo doolka

Tubtaynu haloosin

Bartaan hiksanayno

Daruurta hilaaci

Hirkaynu arkayno

Hibaaqiyo dooga

Haarooyinka buuxa

Badweynta haraacin

Dhibaa ka horeeya

 

 

Dhul aan lagu hooban

Dhul aan halgankiisa

Halyey lagu waayin

Adoon u haraadin

Hurdoo iska jiifa

Inaad hanataayi

Habeen tagay weeye

Dagaal ku heshiiya.

 

 

By Ali Yare

Dammam, Saudi Arabia

Gabaygan kore waxaa xuquuqdiisa iska leh iyo fikradiisaba Qoraaga qofka ku saxiixan.

 

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay